Wasiirka macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo xilligan jaah wareer badani ka haysto arrimaha sahaminta shidaalka ee uu dalka ka wado, ayaa hadallo tawaawac ah u jeediyey warbaahinta, waxana uu ku beer laxowsaday inuu iyaga mustaqbalkooda dhisayo.
Wasiir Xuseen oo shalay kulan uu kaga warbixinayo xeerarka shidaal-baadhista la qaatay golaha wakiillada, ayaa si niyad-jabsan saxaafadda horteeda uga sheegay in bulshadu u samaysan tahay tebinta waxyaabaha xun xun, isaga oo intaas ku daray inaan inay bulshada wacyigelin u sameeyeen, “Dalka horumar badan baa ka socda oo weynu wada ognahay ciddii aan muraayado mad-madow xidhnayni, hawlaha aanu wadnona cagaf iyo shirkado ajaanib ah maan odhanin gala, dalkana mushkiladda jirtaa waa wararka xun uun baa la sheegaaye wararka wanaagsan lama sheego,” ayuu yidhi wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.
Xuseen Cabdi Ducaale waxa u warbaahinta ka codsaday inay samirka ku faro adaygaan, isla markaana uu mustaqbalka da’yarta saxaafaddu kamidka tahay uu ku mashquulsan yahay, waxana uu yidhi, “Sida kaliya ee aynu wax ku helaynaa waa inaynu Samir u yeelanno inaynu khayraad lasoo baxno, waxa aanu tacabkan ugu jirnaana waa inaanu jiilasha soo socda ee saxaafaddu kamidka tahay aanu mustaqbal u samayno.”
Wasiir Xuseen, ayaa waqtigan la baaxaa degaya dhibaatooyin iyo kacdoonno ka imanaya dadweynaha deggen deegaannada uu shidaal-baadhista ka wado, kuwaas oo ay sabab u tahay wacyigelin la’aan bulshada ka haysata arrimahaas iyo gaabis dhinaca wasaaradda ah oo is barkaday.