Somaliland: Mujaahid Cali Guray Muxu Ka Yidhii Sawirka Maxamuud Xaashi

Date:

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay sawirro uu wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi uu soo galiyay baraha bulshada oo dad badan oo reer Somaliland ahi ka cadhoodeen.

Sawirkan ayaa muujinaya wasiir Maxamuud Xaashi ku damaashaada beerta ku taalla Deegaanka Sabowanaag ee gobolka Maroodijeex, waxa dadweynaha reer Somaliland isbar-bardhig ku sameeyeen xaalada abaarta uu dalku ku jiro iyo daamaashaadka masuuliyiinta qaranka.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal uu arrintaa kaga hadlay soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook-ga waxa uu dhignaa sida tan:

Maaha sawir qurux badan laakiin wasiirku aad buu ugu faraxsan yahay. Marka hore bal ka warran hadii wasiirka la yidhaa ku noolow halka habardugaagu ku nool yahay sida habardugaagana u noolow. Harimacadka uu la ciyaarayaa ama waa lab ama waa dhedig waanu cidloobay wehel la’aan baanu ka dhigay. Madaxnimadu maaha u noolow si aanad u noolaan jirin iyo inaad dadkaaga iska saraysiiso oodhaadda la ciyaarto. Xawayaanka duur-joogta ah ee guryaha kagu maxbuusaa way dulman yihiin waayo maaha noloshii loogu talo galay. Gaalada ayaa garatay waa nasiib darro in qof muslin ahi garan waayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...