Somaliland: Natiijada Aragti Dad Badani Ra’yigooda Kaga Dhiibteen Wasaaradaha Ugu Waxqabad Liita

Date:

Falanqayn iyo ra’yi dhiibasho in muddo ah koox dhallinyaro ahi ka wadeen barta xidhiidhka Bulshada ee Facebook oo lagu falanqaynayay 5-da Wasaaradood ee ugu waxqabadka liita wasaaradaha xukuumadda ayaa natiijadii ka soo baxday waxa lagu soo qaatay shan Wasaaradood oo dhallinyaradii codkooda dhiibtay intooda ugu badani isku raaceen in ay yihiin kuwa ugu liita dhinaca wax qabadka iyo adeegga ay u hayaan qaranka inkasta oo lagu kala aragti duwanaan karo waxqabadka guud ahaan wasaaradaha xukuumadda dalka.
Mid ka mid ah dhallinyarada sida gaarka ah u faalleeya arrimaha Bulshada ee inta badan boggiisa ku soo qaata sida adeegyada bulshada wax looga qabto ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey waxa uu degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu dadweynaha kula wadaagay su’aal la xidhiidha wasaaradaha xukuumadda kuwooda ugu waxqabadka liita iyo sida ay u kala horreeyaan waxaana su’aashaasi ka soo jawaabay dadweyne aad u tiro badan iyada oo gabagabadii falanqayntan iyo dooddan laga soo saaray natiijada aragtidii dadku kasoo dhiibteen su’aashaasi iyada oo ay wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Golayaashu noqdeen kuwa ugu liita ee aanay bulshadu xataa aqoon waxa alla wax ay u qabtaan.
Qoraal kooban oo natiijada ra’yi ururintaasi ah ayaa waxa aan ka soo xiganay bogga uu mareegtan ku leeyahay aqoonyahan Mahdi Sheekh taasi oo aan ka sooq aadanay qoraalkaasi aragtida ay sidan u soo dhiibteen dhallinyaradu.
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo Ra’yi dhiibtayaashu ku macneeyeen inaanay Weligood ku diirsan Qaraar ay soo saartay iyo wax ay kala dabbartay. Waxaanay tilmaameen inay tahay Wasaarad Awoodi kari weyday inay Muwaadinka Himiladiisa la hanto oo ah inay Hal Kaadh Shirkadaha oo dhan ku wada hadlaan.
Kaalinta Labaad (Wasaaradda Tiknoolajiyada, Cilmibaadhista iyo Xidhiidhka Golayaasha. Wasaaraddan waxa ay sheegeen in aanay inaanay garanba wax ay qabato oo shaqadeedu tahay, Technoolajiyad ay ka shaqaysaana ma jirto, Cilmi baadhis ay soo saartaana ma jirto, Xidhiidhka Golayaashana mabay fahmin waxa looga jeedo badiba dadkii dhallinyarada ahaa ee aragtidooda ka soo dhiibtay iyaga oo wasaaradahan u arka uun kaliya goobo .
Wasaaradda Beeraha ayaa iyaduna Kaalinta Saddexaad ayay Gashay dhinaca Adeeg Xumada sababtuna waxay tahay bay yidhaahdeen silica iyo saxariirka haysta reer guuraagii iyo Beerihii oo farsamo iyo fahan in lagu taro u baahan, iyadna waxay codsadeen inay sidan isu dhaanto oo ay Adeegeeda dib ugu noqoto.
Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka
Dhallinyaradii dooddan ka soo dhiibtay aragtidoodu waxa ay cabbireen in Wasaaradda Duulista Hawadu aanay ahayn mid la dareemi karo waxqabadkeeda marka la eego sida ay illaa hadda wax uga qabatay adeegyada ay umadda u qaban karaysay. Tusaale waxa ay u soo qaadatay in Madaarka Hargeysa oo kali ahi yahay maanta kan dalkeena ka shaqeeya madaarradii kale ee dalkuna haawanayaan qaarkoodna dunsan yihiinba. Waxa kale oo ay sheegeen in gaadiid cir oo ay maamushaa aanay jirin illaa haddana aanay qorsheba ka lahayn gaadiid cir oo dalkani yeesho oo dawli ah. Waxay yidhaahdeen aragti dhiibtayaashu Wasaaradani Gaadiidka cirka ee ay maamusho maanu fahmin.
Wasaaradda Caafimaadka
Tiradii ugu badnaa ayaa wasaaraddan ku soo qaatay adeeg xumo iyo in aanay wali ahayn wasaarad kasoo baxday masuuliyadda saran. Xaaladda caafimaad ee liidata ee dalka adeeg la’aanta dhinaca caafimaadka ayaa ah wax laga walaaco. Cisbitaalada xukuumadda oo isu rogay goobo dadka lagu baadho oo aad u adeeg xun. 25 sanadood oo Somaliland jirtay wali dadkeenu xabbad kiniin ah oo tayo leh oo xukuumaddu bilaash ku bixiso kama ay helin iska daa adeeg kale oo caafimaade. Wasaaradani Waxay ku guulaysan kari wayday bay yidhaahdeen inay Muwaadinka ka ilaaliso Dhibaatooyinka Dawooyinka Wiiqay Caafimaadkiisa,ayna Qorshe dhab ah oo hir galay ka soo hoyso, Caafimaadka iyo Siyaasaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...