Eden Hazard waxa uu ku faraxsan yahay Chelsea inkastoo ay Real Madrid dadaal ku bixineyso inay xiddigaan la soo wareegto sida uu sheegay tababare Antonio Conte.
Xiddiga garabka ka ciyaara ee Belgium ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan isagoo ka caawiyay Blues inay hogaan xoogan ku qabtaan horyaalka Premier League.
Tababaraha Talyaaniga ayaa sheegay in Hazard uu ku faraxsan yahay Stamford Bridge inkastoo kooxda La Liga ka dhisan ay isku dayayso inay gudaha u gasho madaxa ciyaaryahanka si ay ugu fududaato inay helaan ciyaaryahanka xagaagan.
“Haatan waxaa muhim ah in ciyaartoydeyda ay diirada saaran waqti la joogo oo aysan si qoto dheer u eegin mustaqbalka. Waa halis” ayuu Conte ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.
“Eden waa ciyaaryahan Chelsea ah. Waa uu inagu faraxsan yahay, waana ku faraxsanahay isaga. Ma arko wax dhibaato ah.
“Wararkaan xuanta ah ee ciyaaryahanka la xiriirinaya inuu baxayo waa qeyb ka mid ah ciyaarta, waa mid lagu doonayo dhibaato lagu abuuro oo ciyaaryahanka maskaxda laga qaso.”
Conte ayaa sidoo kale beeniyay inuu Hazard kala hadlay wararkaan xanta ah, isagoo shaaqada ka qaaday in xiddigiisa uu diyaar u yahay inuu soo laabto kulanka ay la ciyaarayaan Crystal Palace ka dib dhaawacii uu ku maqnaa.
“Maya. Uma maleynayo inay muhim tahay inaan kala hadlo. Waxaan jeclahay inaan kala hadlo xilli ciyaareedka iyo kulankaan” ayuu hadalkiisa raaciyay Conte.
“Kalsooni ayaan ku qabaa inuu taam noqon doono, kaliya ma ahan inuu ciyaarayo laakiin inuu u ciyaaro si aad u wanaagsan.”