Doon Ku Dagtay Xeebaha Dalka Talyaaniga Iyo Hal Qof Oo Ka Badbaaday Wararka ka imanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in wiil 16 jir ah oo u dhashay dalka Gambia oo kaliya ka badbaaday doon ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah badda Mediterranean. Markab ay leedahay hay’ad gargaar Luvente ayaa helay wiilkan isagoo haysta haantii shidaalka doonta oo sabaynaya badda. Wiilkan ayaa markii dambe waxaa la geeyay jasiirada Sicily gaar ahaan Lampedusa.
Wiilkan ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in dhammaan dadkii la socday doonta inay dhinteen. Hase yeeshee waxaa socda weli dadaalo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo haddii ay dad nool ay jiraan.Doontan degtey ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay labo maalmood kahor Sabratha dalka Libya ayna saarnaayeen dad ku dhow labo boqol oo ruux kuwaasoo badankood ay ahaayeen dad ka soo jeeda wadamada ka hooseeya Saxaraha waxaana ka mid ah shan carruur ah iyo haween.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa laga soo badbaadiyay dad gaaraya 1,100 tahriibayaal ah, waxaana ku dhintey illaa iyo lix boqol oo tahriibayaal ah.