Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in madax-dhaqameedka iyo odayaasha beesha Bariga Burco ay kulan xasaasi ah magaalada Hargeysa kula qaateen gudoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Waxaana kulankan ay labada dhinac fooda isku dareen kaga wada hadleen arrimo khuseeya masiirka mustaqbal ee xisbiga KULMIYE iyo waliba qodobo xasaas ah oo mudooyinkii u danbeeyey ka dhex taagnaa xisbiga KULMIYE kaas oo ah tartanka loogu jiro gudoomiyaha xisbiga KULMIYE murrashax Muuse Biixi Cabdi dabadii.
Waxaana hanashada kursigaas gudoomiyaha xisbiga xifiltan iyo tartan hoose ugu jira wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE mujaahid Maxamed Kaahin,kuwaas oo mid kasteba dhankiisa dadaalo ugu jiro sidii uu u hanan lahaa kursiga Gudoomiyaha Murrashax Muuse Biixi Cabdi dabadii.
Waxaana odayaasha iyo madax-dhaqameedkan kasoo jeeda Beesha Bariga Burco intii kulankani socday ay gudoomiye Muuse Biixi Cabdi usoo bandhigeen in ay taageeradooda la garab taagan yihiin isla markaana ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulayaan sidiii ay usoo saari lahaayeen uguna guulaysan lahaa talada dalka,waxaana sidoo kale ay odayaashani ku adkeeyeen Muuse Biixi in uu badka usoo dhigo go’aankiisa ugu danbeeya ee la taxaluqa cidda uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejinayo hadii uu ku guulaysto hanashada kursiga dalka looga arrimiyo taas oo ay ku sababeeyeen in ay kala jabin karto beesha.
Intaasi kadib xogahan u dhuun daloolay kulankan ay fooda isku dareen Muuse Biixi iyo madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco ayaa waxay noo sheegeen in Muuse Biixi madax-dhaqameedkan ugu jawaab celiyey in Maxamuud Xaashi uu yahay wasiirka madaxtooyada Somaliland mujaahid Maxamed Kaahina uu yahay gudoomiye kuxigeenkiisa intaasi kadibna ay u siman yihiin isaga oo madax-dhaqamedkana ka codsaday sida la sheegay in ay iyagu soo kala saaraan.
Gabagabadiina murrashax Muuse Biixi Cabdi Ayaan isagu ilaa hadda go’aan ka qaadan cidda uu ku wareejinayo kursiga gudoomiyaha xisbiga oo ay tartan ugu jiraan Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin,waxaana loo ballamay kulamo danbe.