Somaliland: KULMIYE Vs WADDANI: Doodaha Iyo Falanqaynta Tirada Codbixiyayaasha Ee Ay Qolo Waliba Dhinaceeda U Xisaabsanayso Iyo Xiisaha Ku Lammaan Degmooyinka

Date:

Wargeyka FooreOo Soo Ururiyay Doodaha Hordhaca Ah Ee Laga Bixiyay Codadka Diiwaangalinta La Shaaciyay Iyo Goobaha Kulmiye Iyo Waddani Ku Kala Libin Sheeganayaan + Degmooyinka La Filayo Inay Ku Kala Baxaan

Kadib markii Salaasadii Dorraad Komishanka Doorashooyinka Somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada kasoo xerootay tirada dadkii reer Somaliland ee isu diiwaan geliyey doorashooyinka soo socda ee Somaliland la filayo in ay ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan ee la xaqiijiyey Gobol walba inta qof ee doorashadaasi isu diiwaan geliyey waxa durbaba bilaabmay odoros iyo saadaalo la xidhiidha sidii ay xisbiyada qaranku gaar ahaan labada xisbi ee waaweyn ee KULMIYE iyo WADDANI codadkaasi u kala calfan lahaayeen marka la isla akhriyo tirada dadka is diiwaan geliyey iyo sida Gobolada iyo degmooyinka ay labada xisbi u kala tirsanayaan taageeradooda. Si kale haddii aan u dhigno sida ay Gobollada dalku ugu kala abtirsadaan labada Musharrax ee Ambassador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ah Musharraxa Mucaaridka ugu tunka weyn iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharraxa Xisbul Muxaafidka ee talada dalka haya.
Goobaha Bulshadu ku kulanto, baraha xidhiidhka Bulshada ee Internetka iyo Majaalista lagu karkariyo falanqaynta siyaasadda ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxa mashquuliyey isu gayngaynta malo awaalka ah ee tirada cod bixiyayaasha iyo sida ay ugu kala guulaysan karaan labada Xisbi ugu waaweyni waa WADDANI iyo KULMIYE iyada oo qoloba waliba dhinaceeda saadaal wanaagsan balse taxadar ku dheehan yahay u urursatay wallow dhinaca taageerayaasha iyo xisbiyahanada xisbiga KULMIYE si weyn ugu farxeen natiijada Codbixiyayaasha marka laga qiyaas qaato Gobolada iyo Degmooyinka ay sida weyn isugu hallaynayaan oo ay markii hore ka walaacsanaayeen in aanay dad badani iska diiwana galin balse natiijada tirada dadka is diiwaan geliyey ee hadda soo baxday ay ka badan tahay intii ay filayeen ee ay hore uga walaacsanaayeen.
“Gobol Hebel oo teegeerada xisbigu u badan tahay haddii aannu codadkaasi ka helnay guusha doorashadu waa xaggayaga. Gobol hebel tirada iska diiwaan galisay maannaan filayn ee xaajadu waa saxan tahay. Gobol Hebel iyo Degmo heblaayo waa annaga iyo idinka maahee waannu idinkaga taageero badannahay”.ereyadan iyo kuwo kale oo nuxurkoodu la maso yahay waxa ay dhegahaagu qabanayaan marka aad soo ag marto meel lagu hadal hayo natiijada tirade diiwaan gelinta codbixiyayaasha ee komishanku ku dhawaaqay.
Dareenkii Xisbiyahanada iyo Taageerayaasha KULMIYE:
Guud ahaan Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE marka la eego dareenka uu ka bixiyey natiijada tirada cod-bixiyayaasha ee komishanku ku dhawaaqay aadbay ugu farxeen iyaga oo saacadihii la soo dhaafay si weyn isgu gaysanayay celcelis ahaan, tirada ay ka filayaan degmooyinka iyo Gobolada ay is leeyihiin waad ku xooggan tihiin. Inkasta oo ay u badan tahay saadaal haddana waxa ay in badan oo reer KULMIYE ahi xalay iyo habeen hore ku ledeen farxad iyo saadaal wanaagsan iyo in ay haystaan tiro cod bixiyayaal ah oo ku filan oo ay mar labaad ku gaadhi karaan talada dalka shanta sano ee soo socota.
Goobaha KULMIYE Rajada Ugu Badan Ka Qabo:
Awdal oo ay iska diiwaan geliyeen 147,031 oo qof- Gobolkan waxa kasoo jeeda Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Gabiley oo ay iska diiwaan geliyeen 58,087 oo qof, Hargeysa (222,975-qof) Caasimadda Hargeysa waxa kasoo jeeda Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Saaxil (78,842-qof), Burco (144,959 oo qof), Buuhoodle (9,933), Caynaba (31,052), Garadag (12,203), Ceel-afweyn (17962) iyo wixii ay ka calafsan karaan magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.
Goobaha WADDANI Rajada Ugu Badan Ka Qabo:
Awdal oo ay iska diiwaan geliyeen 147,031 oo qof, Gobolkan waxa ka sharraxan Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Hargeysa (222,975-qof), Balligubadle 14,757-qof, Gobolkan waxa ka soo jeeda Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo siyaasiyiin culus oo Gobolka ku abtirsada waana sababta WADDANI ugu xisaabtamayo, Sallaxley 16,815-qof, Saaxil 78,842-qof waana Gobolka uu ka soo jeedo Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro waana Gobolkii uu kasoo baxay tartankiisii xildhibaanimo, Burco 144,959, Oodweyne 23,614, Laascaanood 29,558, Ceerigaabo 50432, Ceel Afweyn 17962.
Inkasta oo doodda taageerayaasha iyo xisbiyahanada xisbiyada waaweyni goob kasta oo codad laga diiwaan geliyey ay ku xisaabtamayaan haddana sida xisbiyadan looga kala taageero qaab-degsiimada qabaa’ilka dalka wada degan ayaa door weyn ka ciyaari karta natiijo lagu kala baxo oo labadan xisbi ee ugu tunka weyni ka gurtaan midhaheeda waxaanu dagaalka ugu badani ku dhex mari doonaa magaalooyinka waaweyn oo aanay qabaa’il kali ahi dagin ee ay reer Somaliland oo dhammi wada degaan.
Dadka siyaasadda Somaliland odorasaa waxa ay ku doodayaan in labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI kii codadka ugu badan ka hela Gobolada Togdheer, Awdal iyo Maroodijeex in ay guushu raaci doonto doorashada soo socota.
Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo isaga ay ragaadiyeen khilaafyo iyo is qabqabsi badan oo xisbigaasi Mugdi galiyey ayaan la filan Karin saadaasha uu ka heli karo diiwaan gelinta Cod-bixiyayaasha ee natiijada tiradooda lasoo saaray. Waxaana la filayaa in tartanka ugu adagi dhex mari doono labada xisbi ee kale ee WADDANI iyo KULMIYE.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...