Chelsea Oo Colaadii Kala Dhexaysay Arsenal Sii Laba Jibaaraysa Iyada Oo Muhiimada 1-Aad Ka Dhigatay In Ay Alexis Sanchez Ka Soo Dajiso Stamford Bridge.

Date:

Colaada u dhexaysa kooxaha ree London ee Chelsea iyo Arsenal ayaa sii xumaan karta iyada maamulka sare ee Chelsea ay bartilmaameedka kowaad ee dhamaadka xili ciyaareedkan ay la soo wareegaan uu noqday xidiga Arsenal ka cadhaysiiyay ee Alexis Sanchez kaas oo iska diiday in uu saxiixo heshiis cusub.

Arsenal ayaa xidiga ree Chile ku qiimaysay 50 milyan taas oo Chelsea ka caawin karta in ay Sanchez ku sii hayso magaalada London oo ay Gunners ka soo horjeedin karto hubkeeda ugu fiican. Marnaba wax sahlan ma aha in kooxo isku magaalo ah isla markaana si toos ah u xifiltamaa ay ciyaartoy la kala wareegaan balse waxa ay ku xidhan tahay qaabka uu ciyaartoygu ugu lug yeesho.

Sida uu shaaca ka qaaday wargayska The Guardian, tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa wada hadalo la yeeshay maamulka sare ee koxodiisa  iyada oo macalinka ree Talyaani uu doonayo in Sanchez loo keeno Stamford Bridge taas oo haddii ay dhacdo Chelsea iyo Arsenal sii kala dhex dhigi doonta colaaad xun oo sii laba jibaaranta. Chelsea ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysto khilaafka Arsenal iyo Sanchez u dhexeeya.

Koox kasta oo doonaysa Alexis Sanchez ayaa u aragta in uu yahay xidig kooxdeeda heer kale u qaaadi kara  iyada oo Stamford Bridge ayna wax walwal ah ka qabin mushaarka uu Sanchez dalbanayo ee Arsenal dhibaatada ugu wayn ku ahi. Chelsea ayaan sida Arsenal ahayn koox si adag ugu xisaabtanta dhaqaalaha kooxdeeda balse mulkiilaha Chelsea ayaa sameeya wax kasta oo uuu arko in ay kooxdiisu u baahan tahay taas oo Arsenal walwal wayn ku keenaysa.

Heshiiska Alexis Sanchez waxaa haddaba ka hadhsan 15 bilood oo kaliya waxayna maamulka Arsenal ku qasban yihiin Alexis Sanchez ay ku qanciyaan heshiiska cusub oo ay aqbalaan waxyaabo badan oo uu dalbanayo haddii ay taas samayn waayaana waxay halis ugu jiraan in ay waayaan xidiga kooxdeeda ugu waxtarka badan kaas oo ugu yaraan si xor ah kaga bixi kara dhamaadka xili ciyaareedka soo socda.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...