Xilligan dalka ka jirto abaarta ba’ani oo dad iyo xoolaba ay oon iyo gaajo kaw kaga siisay ayaan wax dareen ah laga hayn meel aan jaan iyo cidhib ku danbeysay wasaaradii khayraadka biyahu. Wasaarada Biyaha oo loo magacaabay wasiir cusub oo jecel inuu dadkiisa wax u qabto markastana xaadirka ku ah xafiiskiisa ayaa waxa u far ka qaadi kari waayey agaasimihii guud (Ina Naakhuude) kaas oo haba yaratee wax shaqo ah aan ka wadin wasaarada laakiin camalkiisu yahay inuu fadhiisto hudheelada halkaas oo kaga danaysto hadba cidii uu dan moodo inuu dhaqaale ka helayo isagoo ku maxaafsanaya taytal agaasime guud ee uu haysto.
Wasiirka biyaha, mudane Xusseen Boos oo ah nin aad aad u dagan ayaad ka dareemaysaa dhib ka ka haysta wasaarada loo dhiibay taas oo agaasimaha guud u cuno dooban. Agaasimaha guud oo aan cidna u joojinayn wasiirada hartiga ee ah wasaarada isaga danbeeyeyna ku wada feedho iga garo in Siilaanyo adeer ii yahay iyo eeg isha cumar ka lulata.
Wasaarada biyaha xafiiska qudha ee aad ku arkayso dheqdheqaaq waa xafiiska uu maamulo mudane Maxamed Faarax ee mashruuca biyaha ee laga maalgeliyo sanduuqa horumarinta Somaliland.
Wasaarada biyuhu waxay heshay mashaariic badan oo abaaraha wax badan ka tari lahaa kuwaas oo ku dhawaad 40 milyan oo doolar ah sida mashruuca african development bank ee uu agaasimaha guud marsaday haayado uu saaxiib layahay kaas oo ku kacaya lacag dhan 11 milyan, mashaariicda ay bixisay haayada care, mashaariicda ay ku soo soo shubtay UNICEF, mashaariica haayada IOM, mashruuca biyaha ee ay bixiyeeen carabtu oo gaadhaya ilaa 10 milyan doolar,mashruuca biyaha ee haayada SWALIM, mashruuca biyaha ee uu bixiyey baanka aduunku, mashruuca biyaha ee Islamic Relief, iyo qaar kale oo badan. Dhamaan waxaas oo mashaariic ah waxa si gaar ah iyo dano shaqsi u maamula meel ka baxsan wasaarada biyaha agaasimha guud.
Wasaarada biyahu waxa kale oo ay weligeed fadhiid ka ahayd mashruuca wayn ee biyaha hargeysa kaas oo ay shaqadiisu bilaaban tay 2010 kii. Agaasimaha guud ee biyuhu weligii irbad dhuub umuu gelin dadka reer hargeysa siday biyo ku heli lahaayeen taas oo xilka oo umada u hayo inuu dabo gal iyo laxisaabtan ku sameeyo mashruuca 100 milyan ee dollar ah ee hargeysa.
Wasiirka cusub ee wasaaada biyaha oo ah nin aad u wanaagsan oo jecel horumarka waxa uu isku dayey markiiba inuu dar dar gelin ku sameeyo mashruuca biyaha hargeysa, waxa uu abuuray xidhiidh iyo wada shaqayn uu la sameeyey wakaalada biyaha hargeysa iyo haayadihii shaqada waday laakiin nasiib daro waxa ka maqan agaamihii garab ku siin lahaa si uu hawshiisa u qabto.
Biyuhu waa laf dhabrta nolosha qaranka,hadaan deg deg wax looga qaban agaasimahan guud ee isku halaynta qaba waxa dhici way adkaan doonta inla gaadho ujeedooyinka qarankani ka leeyahay in la helo biyo nadiif ah sidoo kale wasiirkan cusub ee xuseen booss wuu kufashilmi doonaa inuu xaqiijo hamigiisa wanaagsan ee uu rabo inuu umada wax u qbto hadaan deg deg xilka looga qaadin agaasimahan guud.