Gudaha Ka Akhri Is-barbardhig Wargeyska Hubaal Ku Sameeyey Labada Tiro, Farqiga Soo Baxay, Gobollada Kordhay Iyo deegaannada Galbeedka Oo Sanadkan Lagu Kala Bixi Doono
Tirada Cod-bixiyayaasha Oo Murashixiinta Madaxweynaha Ku Kalliftay Inay Istaraatiijiyad Cusub Samaystaan Iyo Deegaanno Cudud Codeed Loo Tirinayey Oo Nusqaani Ku Dhacday
Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada diiwaangelinta cod-bixiyayaasha Somaliland oo ay in muddo ahba ku hawllanaayeen kala hufkeeda, waxana soo baxday tiro go’an oo la filayo inay ka qayb qaataan doorashada madaxtooyada oo qorshaysan dhammaadka sanadkan aynu ku jirno ee 2017-ka.
Kulan ay shalay guddida doorashooyinku ku shaaciyeen tirada cod-bixiyayaasha, ayaa lagu sheegay tirada cod-bixiyeyaal ee kasoo baxday diiwaangelintii badhtamihii sanadkii dhammaaday ee 2016-ka laga qabtay gobollada dalka, waxana xusid mudan in tirada cod-bixiyayaasha ee gobollada iyo degmooyinka dalku kor u kacday, inkasta oo xagga korodhka lagu kala duwan yahay.
Tirada cusub ee cod-bixinta u diyaarka noqon doonta doorashada madaxtooyada ee soo socota, ayaa si weyn uga duwan tii ka qayb-qaadatay doorashadii madaxweynaha ee sanadkii 2010-kii dalka ka dhacday, waxana soo baxay farqi weyn oo muujinaya inay si weyn kor ugu kaceen dadka diyaarka u ah maba isu diiwaangeliyey doorashadani.
Tiradan cusub ee Komishanku soo saaray oo ay il gaar ah ku hayaan axsaabta mucaaridka ahi, waxana korodh laxaad lihi ka muuqda dhammaanba gobollada dalka, gaar ahaan meelaha xusidda mudan ee sida weyn u kordhay waxa kamid ah gobollada Sool, Saaxil iyo Awdal oo qaddar badani ku biiray, isla markaana sababay inay murrashaxiintu goor horeba hoosta kasii xariiqaan meelaha ay diirradda saari doonaan ee codadka ugu badani fadhiyo.
Is-barbardhig kooban oo uu wargeyska Hubaal ku sameeyey tiradii cod-bixiyayaasha ee ka qayb-gashay doorashadii madaxtinimada ee uu xisbiga KULMIYE ku guulaystay sanadkii 2010-kii iyo tirada cod-bixiiyayaasha is-diiwaangelisay ee uu shalay Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqay, ayaa muujinaysa farqi ballaadhan oo soo kordhay, taas oo muujinaysa inay tirada dadka doorashada diyaarka u ahi si weyn u kordheen, iyada oo ay xusid mudan tahay inaanu jirin korodh weyn oo ku yimi gobolka M/jeex sida ay sameeyeen gobollada kale ee la ollogga ahi.
Tirada Cod-bixiyayaasha ee shalay lasoo saaray ayaa saddexda murrashax ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ku qasbaysa inay samaystaan istaraatiijiyad iyo qorshe cusub oo ku aaddan gobollada codka laga raadsanayo, iyada oo kaambaynkooda iyo ballahama ay qaadayaan ku salaysnaan doonaan goobaha codku fadhiyo oo si gaar ah looga shidaal qaadan doono.
Tirada cod-bixiyayaasha gobollada iyo demgooyinka dalka ee shalay Komishanku ku dhawaqeen
———————————————————————————————————————
Degmada Gobolka Tirada is-diiwaangelisay
Awdal
Saylac 26,547
Lughaya 15,185
Boorama 90,469
Baki 14,830
Total 147,031
Hargeysa
Gabiley 58,087
Hargeysa 222,975
Balligubadle 14,757
Sallaxley 16,815
Total 312,634
Saaxil
Berbera 63,831
Sheekh 15,011
Total 78,842
Togdheer
Burco 144,959
Oodweyne 23,614
Buuhoodle 9,933
Total 178,506
Sool
Caynaba 31,052
Laascaanood 29,558
Xuddun 5,341
Taleex 5,145
total 71,096
Sanaag
Garadag 12,203
Ceel-afweyn 17962
Ceerigaabo 50432
Badhan 4,625
Total 85,222
Is-barbar dhigga Tiradii ka codaysay doorashadii madaxweyne ee 201-kii iyo cod-bixiyaasha shalay Komishanku ku dhawaaqeen
————————————————————————————————-
Gobolka Sanaag Sool Togdheer Saaxil
Sanadka 2010 2017 2010 2017 2010 2017 2010 2017
tirada 58,515 85,222 20,878 71,096 111,653 178,506 29,211 78,842
farqiga 26,707 50.218 66,853 49,631
Gobolka M/jeex Awdal
Sanadka 2010 2017 2010 2017
Tirada 236,651 312,634 81338 147,031
Farqiga 75983 65693