Kabtanka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa xalay ka mid noqday qofka ugu dambeeya ee kasoo muuqda 10-ka xidig ee ugu goolasha badan taariikhda xulalka kubadda cagta aduunka kadib goolkii uu ka dhaliyay Sweden.
Weeraryahanka Real Madrid ayaa laba gool ka dhaliyay isbuucaan bilowgiisii qaranka Hungary waxeyna ahaayeen kuwiisii 69-aad iyo 70-aad ee waayahiisa qaranka, balse xalay ayuu gool kale raacsaday kulankii saaxiibtinimo ee ay guuldarada kala kulmeen Sweden.
Wiilka ku dhashay Madier ayaa caawinaad ka helay Gelson Martins isagoo si qurux badan kubad u dib mariyay goolhaye Karl Johnsson.
Ronaldo goolkaas wuxuu ka saaciday inuu barbareeyo goolasha Miroslav Klose ee Jarmalka, kuwii uu Thailand u dhaliyay halyeygooda Kiatisuk Senamuang, hana ka reebin inuu sidoo kale barbaro la yahay, boqorkii Sacuudi Carabiya Majed Abdullah.
Si kataba Ronaldo wuxuu 6-gool qura ka hooseyaa halyeyga kubadda cagta dunida Pele kaas oo Brazil waqtigiisa u dhaliyay 77-gool.
Liiskaan waxaa hogaaminaya halyeeygii hore qaranka Iran oo ay adag tahay in la gaaro rikoorkiisa madama uu dhaliyay 109-gool, Ferenc Puskas ayaa ku xiga kaas oo Hungary soo maray waqti hore 84-gool ayuuna dhaliyay.
Kaalinta | Ciyaariyahanka | Wadanka | Goolasha |
1 | Ali Daei | Iran | 109 |
2 | Ferenc Puskas | Hungary | 84 |
3 | Kunishige Kamamoto | Japan | 80 |
4 | Hussein Saeed | Iraq | 78 |
5 | Pele | Brazil | 77 |
6 | Godfrey Chitalu | Zambia | 76 |
7 | Sandor Kocsis | Hungary | 75 |
7 | Bashar Abdullah | Kuwait | 75 |
9 | Majed Abdullah | Saudi Arabia | 71 |
9 | Kiatisuk Senamuang | Thailand | 71 |
9 | Miroslav Klose | Germany | 71 |
9 | Cristiano Ronaldo | Portugal | 71 |