Somaliland: Wasiiro Ka Tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta Iyo Saraakiil Ciidan Oo Kusoo Fool Leh Magaalada Berbera + M/Siilaanyo Oo Kul,,

Date:

Warar xog ogaal ah oo aan helayno nagana soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in magaalada Berbera ay maanta imanayaan wafti culus oo iskugu jira wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka socda dawlada Imaaraadka Carabta.
Waxaana waftigan ka socda dalka Imaaraadka Carabta hogaaminaya sida naloo sheegay wasiirka wasaaradda Duulista dalka Imaaraadka Saif Maxamed Al-Suwaidi kaas oo ay wahelinayaan saraakiil ciidan.
Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Berbera kusoo dhawaynaya waftigan ka socda dawlada Imaaraadka madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalada Berbera kaas oo dib uga soo jeestay safar uu ku tagay gobolada Bariga Somaliland gaar ahaana gobolada Saaxil iyo Togdheer.
Xogo lagu kalsoon yahay ayaa waxay noo sheegeen in ujeedada waftigan ay u yimaadeen magaalada Berbera ay tahay sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen madaarka magaalada Berbera oo dhawaan xukuumadda Somaliland ku wareejisay dawlada Imaaraadka Carabta isla markaana ay ka dhisan doonaan saldhig Milateri, Dekeda Berbera iyo arrimo kale oo mashaariiceed oo ay ka wadaan dalka.
Gabagabadiina waftigan ka socda dawlada Imaaraadka Carabta iyo madaxwayne Siilaanyo ayaa diyaaradda ay waftigan wataan kasoo wada raaci doona Berbera,waxaana ay kulan ku wada qaadan doonaan qasriga madaxtooyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...