Somaliland: Oo Laga Hadal Hayo Doodana Ka Dhasheen Bandhig Dhinaca Labbiska Ah (Fashion Style) Oo Koox Dhallinyaro Ahi Ku Qabteen Hargeysa

Goobaha Bulshadu ku kulanto ee Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn looga hadal hayaa doodo culusina ka taagan yihiin koox dhallinyaro ah oo Magaalada Hargeysa ku soo ban dhigtay Show ama Bandhig dhinaca Labbiska ah waa waxa afka qalaad loogu yeedho (Fashion Style) kaasi oo ay dhallinyaro rag ahi ku soo ban dhigayeen hub-qaadkooda dhinaca labbiska.
Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horraysay ee bandhig noocan oo kale ah lagu soo ban dhigo haddana waxa isa soo taraya bandhigyada noocan ah ee dhinaca labbiska oo sidii dalalka reer Galbeedka inta loo soo abaabulay dhallinyaro labbisani goob fagaare ah oo dhinacyada laga fadhiyo ku soo ban dhigaya xayaysiiska dharka arrinkaasi oo noqday mid in badan oo bulshada ah u cuntami waayay halka kuwo kale oo dhallinyaro u badani soo dhaweeyeen.
Goobaha laga tukaamaysto, gaadiidka dadweynaha iyo guud ahaan goobaha dadku isugu yimaad ayaa saaka si weyn loogu hadal hayaa Magaalada Hargeysa falkan ugu dambeeyey ee bandhigga xayaysiisnta dharka ah kadib markii dadweynaha intooda badani ku war heleen uun sawirrada laga soo qaaday ban dhiggaasi Fashion-ka ahaa laguna baahiyey Baraha xidhiidhka Bulshada kadibna ay halkaasi ka dhasheen doodo qaar ka mid ah lagu dhaliilayo iyada oo dadka tallaabadan dhaliilayaa ay ku doodayaan in hab-dhaqanka noocan oo kale ahi aanu munaasab ku ahayn dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed haystaan.
Bandhiggan ugu dambeeyey ee doodda dhaliyay ayaa ahaa mid lagu soo ban dhigay xayaysiiska lebbiska gaar ahaan labbiska ragga waxaana hoolka lagu soo ban dhigayay soo marayay dhallinyaro rag ah oo u labbisan sida reer Galbeedka iyo mid mid isagu ku labbisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka ah ee ragga Soomaaliyeed ku labbistaan oo ahaa labadii go’ ee cad caddaa iyada oo dadka ay soo hor marayeen sawirro ka qaadanayeen una sacabbinayeen.
Arrimaha doodda badan dhaliyey waxa ka mid ahaa qaab labbiskooda oo u muuqday sidii bandhigyada reer Galbeedka iyo qaab-xiirrimaadkooda oo ay dad badani saluugeen. Lama oga tallaabada ay arrintan ka qaadan doonaan Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista iyo gaar ahaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo iyagu sida qaalibka ah arrimahan oo kale ka hadla inkasta oo wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo arrinkan wax laga waydiiyey uu si kooban oo jilicsan uga hadlay arrinkaasi iyo waxa ay ka yeelayaan.
“Shareecadeena ayaa loo eegayaa arrimaha ay dhallinyaradu ku kacaan oo lagu toosinayaa waayo waxa aynu nahay ummad shuruucdeeda iyo nolosheeda oo dhammi ku aasaasan tahay shareecada islaamka. Dhaqan kasta oo innagu cusub oo innoo yimaad waxa loo eegayaa uun kitaabka alle SWT iyo sunnaha nabigeena NNKHA intuu u jiro iyo halkuu ka taagan yahay” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo awqaafka oo shalay ka hadlay arrinkan isaga oo ku gaabsaday in ay qiimayn doonaan sida xaalkaasi u dhacay.

Comments

comments