Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo labadii maalood ee ugu danbeeyey ku sugnaa xarunta gobalka Saaxil ee Berbera ayaa saaka halkaas ka jarmaadey una anba baxay dhinacaas iyo magaalada Burco
Madaxweyne Siilanyo ayaa markii uu saaka gaadhey magaalada Burco ayaa aan ku hakan magaalada isla markaana safar aan istaag leh ku dhuufay
Madaxweynaha ayaa uu waxaa uu u kicitmey deeganka loo yaqaano Ina Af Madoobe oo u dhaxeeya Burco iyo magaalada Caynaba waxaana uu halkaas xadhiga kaga soo jari doono mashruuc shidaal baadhis ah
Sidoo kale madaxweynaha ayaa marka uu xadhig ka jaristaas soo sameeyo waxaa uu dib ugu soo noqon doona magaalada Burco oo uu kaga qeyb galaayo xaflad lagu daah furaayo arintan shidaal baadhista