Somalia: Xildhibaanada Xamar Oo Mooshin Caqabad Ah Ka Keenay Xukuumada Cusub

Date:

Caqabad siyaasadeed ayaa soo waajahday golaha cusub ee uu soo dhisay raysalwasaaraha dawaldda Somaliya Mr. Xasan Khayre, waxaana ka horyimid 105 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somaliya.

Qoraal ay baarlamaanku diyaariyeen oo mooshin ah ayaa waxay ku sheegeen in raysalwasaaraha cusub uu garab maray saami qaybsiga beelaha Somaliyed, sidaas darteedna loo baahanyahay inuu dib u eegis ku sameeyo golihiisa xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa raysalwasaaraha u gudbiyay soo jeedinta xildhibaanada, waxaanu ugu baaqay inuu tixgeliyo soo jeedintan oo uu u arkay mid sax ah. waxaanu Mr. Jawaari yidhi “Kadib markii aan aragnay habka loo magacaabay golaha wasiirada waxa noo soo baxday in la garab maray habka awood qaybsiga beelaha laguna soo magacaabay xukuumadda qaab aan waafaqsanayn aragtidii awood qaybsiga ay hore beelaha soomaaliyeed ugu heshiiyeen taas oo aan is leenahay inay baal marsan tahay rajadii umaddu ka lahayd xukuumadda cusub.

Tilmaanta garab marka awood qaybsiga ee xildhibaanadu soo gudbiyeen wuxuu guddoonka golaha soomaaliyeed u arkaa inay tahay mid la gar waaqsan karo sidaa awgeed mudane Raysal wasaare waxaanu rajaynaynaa inaad siin doonto soo jeedintan toosinta ah qaddarinta ay mudan tahay.”

Wuxuu Mr. Jawaari faray raysalwasaaraha inuu golaha baarlamaanka horgeeyo xukuumadiisa ugu dambayn 31 March oo ay maalmo inaga xigaan.

Mooshinkan ayaa u muuqda inuu xukuumadda cusub iyo guud ahaan dawladda Farmaajo ku noqonayo caqabadii siyaasadeed ee u horaysay ee ay soo waajahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...