War Deg Deg Ah: Dagaal Adeg Oo Imika Dhex Maray Shacabka Oodweyne Iyo Ciidamada Ilaalinta Shidaal Baadhista

Date:

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Oodwayne ee xarunta gobolka Daadmadheedh soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Wargane ayaa waxay sheegayaan in israsaasayn xoogan ay shalay deegaanka Oodwayne ku dhex martay ciidamo ilaalinayey shaqaale ka tirsan shirkada Sahaminta shiidaalka ka wada Somaliland iyo shacabka deegaanka oo ka gadooday arrimo ay kula kaceen shaqaalihii shirkadu.

Waxaana xogaha nasoo gaadhayaa ay sheeegayaan in shaqaale ka tirsan shirkadaasi oo watay laba cagaf cagaf  iyo ciidamado ilaalinayey ay isku dayeen In ay  qasab ku bilaabaan hawlaha shaqada ee sahaminta Shiidaalka,waxaana sida  naloo sheegay  u tagay si ay wax uga soo ogaadaan arrinkan odayaasha iyo waxgaradka Oodwayne kuwaas oo shaqaalihi ka codsaday inay u sheegeen hawlaha ay wadaan,intaasi ka dib ayaa shaqaalihii shirkadu waxa ay sheegeen in ay bilaabayaan shaqada loo soo igmaday iyaga oo ciidamaduna ugu hanjabay odayaashii inay xidh-xidhayaan.

Sidoo kalena xogaha aan ka helayno is rasaasayntan ayaa waxay intaa ku darayaan in shacabkani ay ka gadoodeen kadib markii ay ogaadeen in shaqaalaha ka shaqaynaya arrimaha sahaminta shiidaalka ee laga bilaabayo gobolka Daadmadheedh ay yihiin kuwo laga keenay gobolka Saraar taas oo ballanka uu wasiirka macdanta iyo Tamarta Somaliland la galay odayaasha deegaanka ay ahayd in ay deegaanka kaste oo laga bilaabayo arrimaha sahaminta shiidaalka ay shaqaalaha ka shaqaynayaa ay noqonayaan dad deegaanka taas oo ula muuqatay in wasiirku uu ka baxay ballan qaadkii uu sameeyey.

Intaasi kadib ayaa waxa is rasaasayn aan khasaare sababini dhex martay dadkii deegaanka iyo ciidamadii ilaalinayey shaqaalahan,waxaana dadka deegaanku ay la wareegeen gacaf cagafyadii lagu wadey shaqada,waxaana intaasi kadib soo kala dhex galay odayaashii iyo waxgaradkii deegaanka Oodwayne kuwaas oo shacabkii  gadooday kasoo wareejiyey gaadiidkii ay kala wareegeen shirkadan.

Ilaa hadda xal lagama gaadhin halka uu khilaafku ka curtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...