Pochettino → Barca, Perisic → United, Griezmann → Chelsea & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa 26-jirka Atletico Madrid weerarka uga ciyaara Antoine Griezmann, kaas oo lagu qiimeeyo 86 Malyan oo Pound iyadoo United uu u yahay bartilmamaeedka koowaad. (The Sun).

Chelsea ayaa ka dalbaneysa Eden Hazard heshiis cusub iyadoo diidi doonta dalab walba oo 26-jirkaan laga soo gudbiyo xilli Reeal Madrid uu bartilmaameed u yahay. (Telegraph).

Macalinka Tottenham Mauricio Pochettino ayaa la kulmay madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu isbuucaan. Kooxda difaacaneysa La Liga ayaa baadi goobeysa badalka Luis Enrique oo ka tagaya xagaagan. (Daily Mirror)

Barcelona ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa garabka Leicester City Riyad Mahrez, balse Foxes waxey dooneysaa qiimo ka badan 40 Malyan iney ku hesho 26-jirkaan reer Algeria. (Telegraph).

Manchester United ayaa talaabo u qaaday s axiixa 16-jirka weerarka ah ee Daishawn Redan kadib markii Ajax ay xaqiijisay in da’yarkaan reer Holland uu ka tagayo xagaagan. (The Sun)

Manchester City Iyo hogaamiyayaasha horyaalka Chelsea ayaa sidoo kale doonaya da’yarkaan Redan, kaas oo doortay inuusan heshiiskiisa xirfadlenimo u saxiixin Ajax. (Daily Mail)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa aaday Croatia si uu ula kulmo garabk Inter Milan Ivan Perisic, kaas oo 28-jir ah, iyo sidoo kale xidiga khadka dhexe ee isla Inter Marcelo Brozovic, kaas oo 24-jir ah. (Index.hr – in Croatian)

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Luis Suarez uu ogolaaday inuu ku biiro Arsenal sanad ka hor inta uusan Barcelona ku biirin. (Bein Sport).

Manchester City ayaa diyaarineysa dalab ay ku dooneyso Gianluigi Donnarumma iyadoo sidoo kale u balan qaadi doonta iney sanadkii 5 Malyan oo Euro faraqa ugu shubi doonto.  (Corriere dello Sport)

Manchester United iyo Chelsea ayaa wadajir ah u xiiseynaya kabtanka sadexaad ee Juventus Claudio Marchisio kaas ay dhaawacyo ragaadiyeen mudooyinkii lasoo dhaafay. (Tuttosport).

 

Comments

comments