Ciyaariyahanka khadka dhexe qaranka Spain iyo Manchester City David Silva ayaa ku talaabsaday rikoor fiican oo dhanka goolasha qarankiisa ah kadib markii uu xalay ka mid noqday ciyaartoyda ciqaabta adag u geysatay xulka qaranka Isreal [Yahuudda].
La Roja ayaa 4-1 ku xasuuqda Isreal kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka ee wadamada yurub, waxeyna adkeysteen iney wali hogaanka group-kooda ay goolal kaga hayaan Italy
Si kastaba David Silva wuxuu goolkii xalay u ahaa kii 29-aad ee waayahiisa xulka qaranka isagoo u saftay 110-kulan, waana xiddiga shanaad ee ugu goolasha badan La Roja isagoo barbareeyay rikoorka gooldhalinta halyeyga Real Madrid Fenando Heirro kaas oo 89-kulan oo qura kasoo muuqday xulka intii u dhaxeysay 1989 ila 2002.
David Villa ayaa ah hogaamiyaha ugu sareeya gooldhalinta xulka qaranka Spain kaas oo dhaliyay 59-gool, kaliya 97-kulan oo uu xirtay maaliyadda qarankiisa, halka Raul uu 44-gool dhaliyay 102-kulan oo uu ciyaaray, hana iloobin in Fernando Torres uu dhaliyay 38-gool kadib 110-kulan oo uu ciyaaray.