Somaliland: Telesom Oo Dagaal Adeg Ku Haysa Shacabka Isticmaashayne Inay Suuqa Galiso Laca,,

Date:

TELESOM Oo Mar Kale Ku Dhaqaaqday Tallaabo Dhaawacday Kalsoonida Maxcaamiisheeda Iyo Aaminaaddii Lagu Qabay Oo Meesha Kasii Baxaysa

Shirkadda Isg-gaadhsiinta ee TELESOM, ayaa sii wadata khiddadaha qarsoon ee ay ku xalaashanayso dhiigga shacabka danyarta ah, isla markaana kaga faa’iidaysanayso jileeca dawladda hoggaanka haysa, waxana ay mar kale u xadhko xidhatay sidii uu adeegga Zaadku usii ahaan lahaa mid waara oo ay hantida umaddu weli jeebadahooda ugu sii xaraysnaadaan.

Khiddada cusub ee ay shirkaddani qaadday, ayaa ah inay si hoose ula heshiisay Baanka dhexe isla markaana ay suuqa soo gelisay dollar aaad u xad-dhaaf ah oo u badan lacagihii ay umaddu adeegga Zaadka ku aamineen, iyada oo ujeeddaduna tahay in dollarku hoos u dhaco oo ay bulshada iyo xukuumadduba ka mashquulaan amarradii meesha lagaga saarayey Zaad-ka wixii ka yar $100(boqol dollar), taas oo ay qodob ay shirkaddu u aragto inuu curyaamin ku yahay ganacsigeeda.

Lacagaha ay shirkaddani suuqa soo gelisay oo sida aynu hore usoo sheegnay la filayo inay qayb ka tahay hantidii umaddu adeegga Zaad-ka ku aamintay, ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada kala duwan ee dalka, waxana intiisa ugu badan shalay lagu farraqay suuqa sarrifka ee Hargeysa.

Magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka, ayaa iyagana la filayaa in maalmaha soo socda loo raro dollar tiro badan oo kor loogu soo qaadayo qiimaha shilinka Somaliland ee ay horseedka ka tahay shirkadda TELESOM oo iyadu danteeda gaarka ah ka dhex aragtay in qiimaha dollarka  la jebiyo, si aanay dadku ugu soo jeedsan adeega Zaad-ka oo bulshadu kasii niyad jabayso.

Isku dayada ay TELESOM ku xalaashanayso adeeggeedda Zaad-ka,  isla markaana ay lacagihii umaddu adeegaas ku aamintay suuqa ku gelinayso, ayaa abuuraysa shaki iyo aaminaad-darro cusub oo bulshada soo food saartay, waxana xusid mudan inaanay jirin wax dammaanad ah oo bulshada lacagtooda halkaas ku aamintay aanay ka haysanin shirkadda TELESOM.

Ku qabsashada lacagaha bulshada loo hayo ee shirkadda TELESOM ay danaheeda fushato, ayaa haatan ka hor ahaa qarsoodi, waxase ay dibadda usoo baxeen markii ay shirkadda soo foodsaartay culays ka yimi amaamiirtii ma dhalayska noqday ee xukuumadda oo ay doonayso inuu adeeggaasi weli sii shaqeeyo, maadaama oo uu yahay jidka kaliya ee ay dakhliga ka hesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...