Somaliland: Shirkadda Telesom Oo Xabsigga Dhigatay Masuuliyiin Abaaraysan Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley + Ujeedada

Date:

Gudaha Ka Akhri Tirada Odayaasha ay Telesom Xorriyadoodii Ka Qaadday Iyo Halista Caafimaad Ee Taawerrada Maayadaysan Ee TELESOM Oo Weli Xog Bulshada Lagu Marsiinayo

Iyadoo Aaney Ahayn Markii ugu Horeysay Ee Shirkada Telesom oo Adeegsaneysa Ciidamada Boolisku Bulshada Ku Xidh Xidhaan Falal Noocan oo kale Ah Ayaa Haddana Waxaa Isa Sootaraya Dhibaatada Shirkadani Ku Hayso Bulshada Ku Kala Nool Gobollada Dalka Oo Wakhtiga Gaadhay Inay Kuwii Miyiga Xabsiga Ku Gurto.

Dadweynaha Beero Qodatada Ah ee Ku Nool Deegaanka Looyaqaano Qadowga Oo  Hoostimadaa Gobolka Gabiley Oo Dhinaca Koonfureed Kagaga Beegan Kala-baydh Ayaa Si Xoog Leh uga Soo Horjeestay Shirkada Telesom Oo  Biraha Taawarada Keentay Deegaanka Goobo Dhawr ah Ay Doonayso Inay Ka Taagto,

Dadka Beeraleyda Ah ee Ku Nool Deegaanka  Qadowga Oo Birahan  Ka Soo horjeestay In Laga Taago Goobo Cusub Ayaa Kacdoon Iyo Buuq Kala Hortagay Meelo Kamid Deegaanka Oo Ay Shirkadu ka Dhisaysay Taawaradan, Waxaana Kadib Markii Ay U Diideen In La Dul Keeno  Birahan, Masuuliyiinta Shirkada Telesom  Kusoo Laabteen Magaalada Gabiley Oo Ay ka Kaxaysteen Kolanyo Ciidamo oo  Xoog Ku muquuniya Dhismaha Birahan Shirakadu Keentay, Odayaasha Deegaanka Oo Diidmo Iyo Dagaal Kala Hortagay Ayaa Sababtay in Qaarkood Maalintii Sabtida ee ina dhaaftay Ciidamadu Xabsiga Usoo Taxaabeen halka Qaar kalena shalay Lagu Soo Qabqabtay Guryahooda oo Albaabada Lagu Jabiyey.

Sida aanu kasoo xiganay shabakadda wararka ee Gabileynews, tirada dadka ay Shirkadu u Xidhay Arrimahan Ayaa Ilaa Hadda Gaadhaya 6 Qof oo ah Odayaasha deegaanka, oo Lasoo Kala Qabtay Sabtidii Doraad Iyo shalay,

Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Aanu Arrintan Wax ka Waydiinay Ayaa Isagu ka Gaabsaday inuu Wax Faahfaahin Ah ka Bixiyo Dhacdadan, Waxaanu Sheegay In aaney jirin habayaraatee wax uu ka ogyahay iyo cid uga timid Arrintaasi, haddii cid lasoo xidhayna tahay cid soo xidhay ciidamada booliska ee gobolka,

Dhinaca Kale Masuuliyiinta Shirkada Telesom Ayaa Iyaguna Ku doodaya In Dadkani Ay ka Jajabiyeen Qalab Kalana hor yimaadeen Shiid iyo Dagax Sidaa darteeda ay u haystaan dadkan xidhan wixii khasaare kasoo gaadhay qalab iyo agab ay shirkadu leedahay oo ay sheegeen in laga waxyeeleeyey.

Dadka deegaanka oo aanu qaarkood la xidhiidhnay  Oo falkan goob joog ka ahaa ayaa iyagu noo sheegay in sababta ay ugu diideen tahay  in ay ka dhaxleen dhibaato caafimaado Darro Taawaradan Kuwii Hore ee ay Ka Dhistay Shirkadu deeeganka islamarkaana aaney ogolaan doonin taawaro kale oo dhibaato kusoo kordhisa Shacabka, Waxaaney intaa ku dareen in dhawrkii sano ee shirkada Telesom taawaradan deegaanka keentayba ay xanuuno kala duwan kala kulmeen hooyooyin caruur iyo dad waayeel ah.

Sikastaba ha ahaateen Falalkan noocan ayaa ah kuwo ay caadeysatay shirkada Telesom oo badiba goobaha sidan oo kale dadku uga soo horjeestaan inay dul keenaan birahan taawarada iyagu u adeegsada awood ciidan iyo khasab lagu dhiso,

Waxaana Badiba Shacabku isla Qireen in Halista Caafimaado ee Ay Sababaan Birahani ay yihiin kuwo bulshada waxyeelo baaxd leh soo gaadhsiiyey islamarkaana aaney jirin cid habayaraatee wax ka qabanaysa dhinaca dawalada iyo laamahii ku shaqada lahaaba, Taasina ay Marwalba sababto in Marka Shacabku ka Gadoodaan Taawarada Jeelasha lagu guro iyadoo Telesom adeegsaneysa Lacag iyo Awood ciiidan.

Ma Jirto  Cabir Ama Halbeeg Sax Oo bulshada Ay usoo bandhigtay Shirkada Telesom Khatarta Ka Iman Karta Taawaradan Gudbiya Khadka Telefoonada Iyo Internetka, oo Bulshada Kusii daaya Shucaac  Keena Xanuuno halis ah ay u nugul yihiin hooyooyinka uurka leh iyo haweenka qaangaadhka ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...