Somaliland: Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Tartanka Loogu Jiro Hanashada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Date:

Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa ka hadlay khilaaf huursan oo la sheegay in uu ka dhex jiro xisbiga KULMIYE iyo tartan loogu jiro guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi dabadii.

Guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabel) oo waraysi gaar ah siiyay Saab TV ayaa beeniyay khilaafka ay warbaahintu baahisay, waxaanu u hanjabaad hawada u mariyay warbaahinta madax-banaan waxaanu yidhi “waxa warbaahinta ayaa wad-wada, ninkan Donald Trump la yidhi ee Maraykanka Madaxweynaha u ahi, baryahaba warbaahinta dagaal ayuu kula jiray, qaar waa ka mamnuucay inay soo galaan sida BBC-da, CNN-ta iyo New York Times inay White House soo galaan waa kii ka Mamnuucay, markii uu ninkaasi samaynayay waxaa dad ayaa u haystay nin waalan, laakiin ma waalna ee xaqiiqada jirta weeyi, meel walba warbaahintu noocaa weeyi, warbaahintii waxa looga taagi laayahay warar xaqiiq ah, warar ay abuuraan oo been abuur ah ayaa looga taagi laayahay, markaa waxa aan anigu ku talin lahaa warbaahintu ha iska dayso wararkan beenta ah ee ay samaysanayaan ee inta ay samaysataan runta u soo eekaysiinayaan waxa aan leeyahay ha iska daayaan, ummada waxba u tari mayso oo wax aan dib u dhac ah ku keeni mayso, KULMIYE-na waxba ku yeeli maayaan, KULMIYE fanta iyo candhaba wuu ka soo gudbay, xisbi maanta wax la dhex dhigi karo oo warbaahini sheeko yar soo dhabdhabto ka dib ragga KULMIYE joogaa ku murmaan amma ay isku tuhmaan, waxa aan isku tuhmaynana maaha, waxa na dhex yaallana maaha, wax ay annaga fidmo nagu dhex-dhigi karayaana maaha wixii jira ayaa laga waramaa ee wax aan jirin lagama waramo, warkaasi waa war aan waxba ka jirin” ayuu yidhi Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabel).

Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabel) waxa uu soo dhaweeyay heshiiska saldhigga millatari ee uu Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo magaalo xeebeeda Berbera waxaanu yidhi “heshiiska waxa aan u arkaa anigu guul u soo hoyatay Somaliland, Somaliland waxa ay u baahan tahay inay Caalamka la macaamisho, Waa heshiiskii u horeeyay ee taarikhi ah, ictiraafka in badan ayay raadinaynay, dawladda aynu u tagnaa waxa ay tidhaa annaga halana horreeyo, Imaaradka Carabtu waxa ay ku soo dhiiradeen inay kow ka noqdaan oo ay innala saxeexdaan heshiis” ayuu Guddoome Jaamac Shabel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...