Wararka naga soo gaadhaya xarunta dalka Somaliya ee Moqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan oo is miidamin ah uu goor dhaweyd ka dhacay agagaarka Tiyaatarkii hore ee Qaranka oo ku yaalla nawaaxiga xarunta madaxtooyada Somalia.
Shabakada Wargane oo halkaasi ka helayso warar hor dhac waxaa ay sheegayaan in gaadhi bas caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray bar kotrol oo dhinaca ku heysa tiyaatarka Qaranka, taas oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada.
Waxaana ka dhashey qaraxaasi khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana qarax oo daryankiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho goobtaas lagu arkay gaadiid gubanaya.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasyada ayaa goobtaas gaadhay, iyagoo kala daabulaya dadka dhimashada iyo dhaawacyadu soo gaareen.