Somaliland: “Waddani Haddii Hore Looga Diiday Dr. Fadal, Maantana Wuxuu Diidanyahay Xisbigu; Cidna Ma Ogolaysiin Karto”

Date:

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xisbiga Waddani uu xaq u leeyahay inuu diido cid kasta oo uu arko inay dhinaca tahay, waxaanu tusaale u soo qaatay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo uu hore Xisbiga Waddani ugu soo xulay Komishanka, balse laga diiday.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Xukuumadda, Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xisbiga Waddani hore waxaa hore looga diiday Maxamed Cismaan Fadal, oo uu soo xulay Komishanka, sidaas darteed Xisbiga Waddani mar haddii hore looga diiday Fadal, maantana wuxuu diidan yahay xisbigu cidna ma ogolaysiin karto, markaas cid kasta oo siyaasad ku milanta, ama Xisbi gaar ah u ololeeysa, ma xil soo qabatay, Xeerbaa dabraya,kolay inantan dib loo soo celiyey iyadu Komishanka ayey hore uga tirsanayd, oo xeer dabraya ama u diidaya ma jiro, halka uu Cabdirashiid Riyo raac uu hore ugu jiri jiray Xisbiga Waddani, markii dambena uu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, Xukuumaddii horena xil wasiirnimo ka soo qabtay, sidaas darteed qodobka 12aad farqadiisa D ee Dastuurka waxay tilmaamaysa in aan Komishanka loo magaacabi karin Shaqaale Dawladeed, xubin Barlamaan, Xubnaha Golaha Wasiirada, Ciidan iyo xubin xil u haysa Urur ama Xisbi kama mid noqon karo Komishanka, markaas cid ku sifoowday Xisbi kama mid noqon karto Komishanka”.

Mar uu baaq u dirayey Xukuumadda, Xisbiyada iyo Shacabka ayaa yidhi “Xukuumadda taladda dalka haysa iyada ayaa dalka ka masuul ah, xaaladii dalkuna siday tahay weynu aragnaa, Doorashooyina wey inagu soo fool leeyihiin, waxaanada mooda in kolba xiisad la abuurayo,oo kolba meel la abaarayo, kolay garan maayo Doorasho bilaa saami qaybsiyi siday u dhacayso, ee dadka waxaan leeyahay nabadiina ilaashada, Xisbiyadana waxaan leeyahay khilaaf kasta oo la rabo in la abuuro ka taxadira, oo ka digtoonada”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...