Raysal wasaare ku-xigeenka cusub ee Dalka Somalia ayaa loo magacaabay gacan yarihii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu hore u ahaa xubin ka mid ah guddidda doorashooyinka Somaliland isagoo u soo magacaabay guddoomiyaha Xisbiga UCID. xilligaas ilaa hadda wuxuu ahaa la talliye guddida doorashooyinka Somaliland ah.
Waxaanu kamid aha shakhsiyaadka ugu dhaw-dhaw xagga talada Faysal Cali Waraabe, sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID xidhiidh dhaw ayuu la laha Mr. Khadar, waxaana la odhan kara wax weyn ayuu ka ogaa Faysal Cali Waraabe qaadashada booskan quudheed ee Raysal Wasaare ku-xigeenka, oo ah cad qudheed oo madaxda Dalkaasi Somalia iyagoo yasaaya markasta u tuuraan dad ka soo jeeda Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu xorriyadiisa la soo noqday waa hore.
Geesta kale Faysal Cali Waraabe oo iska qiiraysiiya marka uu ka hadlaayo arrimaha Somalia, ilmada yaxaaskana daadiya ayay dad badani ku tilmaaman nin hoosta kaga xidhan oo intaas cilaqaad la leh dhinaca Muqdisho, ayna kala duwantahay wuxuu afka ka leeyahay iyo ficiladiisu, iyadoo tuhunadaas ay sii xoojiyeen Magacaabista ninkii ugu dhawaa ee Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) loo magacaabay Raysal Wasaare ku-xigeenka.