Somaliland: Muuse Biixi Oo Sharraxay Halbeegyada Xisbigu Ka Duulayo Xilliyada Ololaha Iyo Habka Ictiraafka Lagu Heli Karo “

Date:

“Caalamku waxa uu ina ictiraafayaa marka uu isagu inoo baahdo ee aad noqoto qof dan laga leeyahay oo dan loosoo doonto,”Guddoomiye Muuse Biixi

Guddoomiyaha xisbiga talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE, ahna murrshaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md.Muuse Biixi Cabdi, mar kale si hufan u sharraxay waxyaabaha halbeegga u aha dedaalka uu xisbigu ku rabo inuu mar labaad talada dalka qabto, waxana uu xusay xisbi ahaan ahmiyad weyn siinayaan khibradda iyo waayo aragnimada ay heleen muddadii xilka hayeen.

Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad dheer u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegay inay si weyn u qiimaynayaan wixii ka qabsoomay barnaamij siyaasadeedkii uu xisbigu ku galay olalihii uu talada dalka ku qabtay, isla markaana ay dib u eegi doonaan wixii qaldamay iyo sidii loo sixi lahaa, waxana uu yidhi, “KULMIYE laba arrin buu ka duulaa, midi waa waayo-aragnimadii dheerayd ee aanu korodhsanay iyo  inaanu nahay xisbiga qudha ee toddoba sano ka hor umadda soo hor dhigay barnaamijkaasaanu fulinaynaaye codka nagu siiya, wixii aanu dadka la galnayna wuu yaallaa oo dadkaa qiimayn doona, sida ay caddaaladdu tahayna haddii aanu intii badnayd kasoo baxnay waxanu qabnaa inaanu guulaysanayno, kalsooni badanna waanu qabnaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray, “Ta labaadna waa markii aanu barnaamijkii aanu samaynay loo rogay ficil waxa kasoo baxay dhaliilo badan, waxana naga go’an inaanu kuwaas saxno oo caqabadihii naga hor yimi sidii loo daweyn lahaa aanu barnaamijkayaga cusub ku darno oo wixii cusub ee soo baxa ee kuwa hore ka wanaagsanna la qaato.”

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale faah-faahiyey siyaabaha uu dalku ku kasban karo Ictiraaf caalami ah iyo sida ay muhiimka u tahay in loo abuuro jawi ay beesha caalamku Somaliland ku aamini karto, “Caalamku waxa uu ina ictiraafayaa marka uu isagu inoo baahdo ee aad noqoto qof dan laga leeyahay oo dan loosoo doonto, laakiin haddii aanad wax soo saarayn oo kaagii aqoon lahaa aad tidhaahdo waa ina hebel sidee bay noqonaysaa, ictiraafkuna waxa uu imanayaa marka ay dadku ku arkaan ka aad tahay eek a kuu yimaaddaa uu jeclaysto inuu xoolihiisa kugu aamino, waana inaynu taas dadkeena u diyaarinaa oo aynu ictiraafka gudaheena ka doono,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE ee uu guddoomiyaha ka yahay uu geli doono olale bilaa turxaan ah, isla markaana ay si saraaxad leh u hambaleyeyn doonaan haddii ay guushu cid kale u gacan gasho, waxana uu yidhi, “Haddii aanu KULMIYE nahay waxanu umadda u sheegaynaa inaanu gelayno kaambayn nadiif ah oo aan dalka xagxagasho u keenaynin oo aan colaad iyo nac hoose iyo fadhaan-fadh midna lahayn, waxanu sidoo kale ballan qaadaynaa in haddii nalaga helona aanu tahniyadayn doono ciddii naga hesha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...