Somaliland: Musharx Cirro Oo Aan Wali Shaacin Wakhtigga Uu Ka Kici Doono Guddoomiyanimada Golah Wakilada Ee 12 Sa,,

Date:

Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa mar kale ku guuldarraystay inuu bulshada u sheego waqtiga uu sida rasmiga ah uga degi doono kursiga guddoomiyenimo ee golaha wakiillada iyo weliba xubinnada oo uu muddo dheer soo hayey.

Guddoomiye Cirro oo isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska waraysi siiyey Idaacadda VOA-da, ayaa diiday inuu ku dhawaaqo waqti cad uu xilkaas bannayn doono, maadaama oo uu doonayo inuu dalka madaxweyne ka noqdo, waxase uu si taxar leh u sheegay inuu mar uu kursigaas iskaga degi doono.

Isaga oo ka jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa waqtiga uu kursiga uu golaha Baarlamaanka ka hayo  bannayn doono ee uu sida rasmiga ah ugu ban bixi doono murrashaxnimadiisa, ayaa waxa uu sheegay in xilliga sharcigu qorayo uun uu ka tegi doono, isaga oo muujiyey sida uu wlei usii jeclaysanayo xilalka dhawrka ah ee uu isku hayo.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Sida sharcigu qorayo doorashad aka hor waa inaan ka tagaa xilka guddoomiyenimada wakiillada ee aan hayo, qof kasta oo xil haya oo doorasho u ordayana sharcigu waxa uu farayaa inuu muddo cayiman ka hor uu ka tago, aniguna muddadaas  ka horna waan ka tegayaa haddii allah yidhaahdo.”

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa dabayaaqadii sanadkii 2015-tii loo doortay kursiga guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, waxana uu waqti dambe noqday guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo weliba murrashaxa xisbigaas, balse sanado badan kadib waxa uu ku dhiirran la’yahay inuu kursiga wakiillada banneeyo oo uu u ban baxo xisbiga uu hoggaamiyo ee WADDANI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...