“Xukuumadda Somaliland Odayaasha Ha Iskaga Wareejiso Kursiga” Xildhibaan Qabile.
Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha gollaha wakiillada ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dalka Imaaraadka Carabta u dirtay Odayaal ka soo jeeda deegaanada gobolka Saaxil
Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo waraysi gaar ah siiyay shabakadda Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay xukuuumaddu u wakiillatay Odayaasha inay dawladda Imaaradka Carabta ku soo qanciyaan inay damaanad qaadayaan wixii dhibaato ee ka yimaada dadweynaha gobolka Saaxil oo isaga uga soo horjeeda Heshiisyadda Dekedda ee shirkadda DP World iyo Saldhigga Millatari ee Madaarka Berbera.
Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo arrimaha ka hadlaya ayaa yidhi “kama foga haddii aan qiyaaso itaal-darada xukuumaddu kala soo kulantay heshiisyaddaa ay dhabarkaga kaga soo jabtay sumcad xumadana ka soo gaadhay, Berbera-na aynu arkaynay dhibaatooyinka ka yimid heshiisyadda lagu deg-degay oo nuxurkooda laga tashan, safarada ay xukuumadda iska dba noqotay abaarta way innaga dabooli lahaayeen, kharashyadii kaga baxay duulimaadyada oo kaliya iyo hudheelada dhaadheer ee Dubai ku yaalla” ayuu yidhi Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile.
Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ” waxa ay ila tahay markii ay arrintaasi hore ugu dhali weyday, marka ay dumarku foolayaan ayay bariis cad karsadaan markaa Odayaashii waxa laga dhigtay taraarihii islaantu marka ay sagaalka bilood gaadhaysay ay keenaysay, haddii ay taraarahaana ku dhali weydo dee dawladdu marka ay halkaa la marayso, waxa jiray laba nin oo da’da isku dacaayadayn jiray oo reer Burco ah nina Badhbadha ayaa la odhan jiray nina Aw Xasan Sheekh, Badhabadha arinkaa wuu u adkaysan waayay, millatari ayuu yidhi i raafa waa la soo raafay markaa ayuu yidhi Aw Xasan i sii hormariya, markaa ayuu yidhi Aw Xasanow ciidankii ayaa i raafaye dee nabad-galyo ayaa reerkii ka warhay, nimankana lacag ayuu soo siiyay, ninkii Aw Xasan ayaa yidhi dee haddii sheekadu halkaa marayso oo ay Badhbadha-ba u baahatay dee hays dhiibto, dawladda dee horta halkaa maraysa ee leh Imaaraadkii ayaa baahan deegaankii Odayaasha ha iska wareejiso kursiga, arrinkaasi laf-jab ayuu ku yahay Somaliland” ayuu yidhi Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile.