Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay Sawirrada Saldhigga Milletari ee Dawladda Turkigu dhismihiisa ka waddo Xeebta Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Saldhigga Dawladda Turkigu ka waddo Muqdisho oo Sannadkii u dambeeyay la bilaabay, ayaa dhismihiisu marayaa heer gebogabo ah, waxaana ku sugan Saraakiil ka mid ah Milletariga ee Dalka Turkiga, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin kuwo halkaa u jooga Hawsha dhismaha Saldhigga Milletari oo Turkigu uu doonayo tababbarro ku siiyo Ciidammada Milletariga Soomaaliya isla-markaana uu Mustaqbalka keensado Diyaaradaha Dagaalka iyo Debbaabadaha Dagaalka.
Saldhigga oo Gudihiisa laga dhisay dhismayaal faro badan oo loogu Talo-galay Ciidamada Turkiga ee soo degi doona iyo kuwa Soomaaliya ee lagu tababbari doono, ayaa waxa Shalay kormeer ku tagay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Saraakiil Turki ah.
Kormeerka uu Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ku tagay Saldhiggaasi, oo noqonaya kormeerkii u horeeyay ee Masuul ka socda Dawladda Soomaaliya uu ku tago Saldhiggaasi isagoo wata qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, ayaa muujinaysa in Dawladda Soomaaliya ay meesha ka saarayso Mugdigii ku dahaadhnaa Wararka la xidhiidha Saldhiggaas uu Turkigu dhismihiisa ka wado duleedka Muqdisho.
Maxay Warbaahinta Caalamiga ah ka qortay Saldhiggan?
Saldhigga Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya oo baaxad ahaan ku fadhiya Dhul ballaadhan ayaa waxa la diyaariyey goobo qaadi kara Diyaaradaha Dagaalka iyo illaa Saddex Xero oo midkiiba lagu tababbari karo dhowr boqol oo Ciidan ah, “Fadhiisinkan Ciidan waxa ku baxaya dhismihiisa 50 Million dollar, waxaanu ka kooban yahay xero qaadaysa 400 dayuuradaha dagaalka ah iyo saddex dugsi ciidan oo lagu tababbarayo boqollaal ka mid ah ciidamada Soomaaliya iyo waliba kuwa Afrika, iyadoo markiiba lagu tababbari karo ilaa shan boqol oo Askari”.ayuu yidhi Ebubekir Sahin oo ah Agaasimaha General Construction Company oo wadda hawsha dhismaha Saldhiggan oo Warbaahintu soo xiganayso.
Agaasimaha Shirkadda Wadda Saldhiggan, ayaa waxa kale oo uu sheegay in go’aanka Turkiga ee dhismaha fadhiisinkan Ciidan uu farxad galiyey dawladda Soomaaliya, maaddaama oo uu u sahlayo inuu wax weyn ka taro dagaalka ay argagixisada kula jirto iyo waliba wax lagu sheegay dib u soo celinta nidaamkii iyo sharcigii Soomaaliya.
Mr Sahin waxa kale oo tilmaamay goobta laga hirgalinayo fadhiisinkan ciidan iyo xilliga la furri doono “Fadhiisinkani waxa uu ku yaallaa goob muhiim ah oo u dhow Madaarka iyo Dekedda Muqdisho, isla-markaana 1.8mile u jirta Cisbitaalka loogu magac daray Receb Tayyib Erdogan, sidaa awgeedna waxa la furri doonaa bisha koowaad ee sanadka 2017″.ayuu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Shirkadda dhisaysa Saldhiggan bishii November ee Sannadkii hore, 2016-kii, isagoo intaa ku daray in qorshaha koowaad ee laga leeyahay Saldhiggaasi uu yahay in la geeyo 200 oo ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Milletariga Turkiga, kuwaasi oo Wejiga koowaad Dawladda Soomaaliya u tababbaraya 10.500 oo Askari.
Somaliland
Kormeerka uu Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya ku tagay Saldhigga Turkigu ka dhisanayo Duleedka Muqdisho iyo Sawirrada laga soo qaaday ee sida furan loo soo bandhigay, ayaa ku soo beegmaysa Xilli Siyaasiyiinta reer Somaliland qaarkood muujiyeen inay ka soo horjeedaan Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka dhisato Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, halka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI-na uu Abaabulay Mudaharaaddo lagaga soo horjeeddo Saldhiggaasi, ka dib markii u Baarlamaanka Somaliland ansixiyey Heshiis Xukuumaddu la soo gashay, kaasi oo u fasaxaya Imaaraadku inay Saldhiggaasi ka dhistaan Magaalo-xeebeedda Berbera.
Heshiiska Saldhigga Berbera oo aan Xukuumaddu si hufan u soo bandhigin awgeed, ayaa Xisbiga WADDANI oo garabsanaya qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Dalku wuxuu illaa hadda ku mashquulsan yahay Abaabulka dhaqdhaqaaqyo lid ku ah Heshiiska Saldhiggaasi, wallow ay ahayd in Siyaasiyiinta ka soo horjeedaa ay qaddiyaddan barbar-dhigaan Saldhigyada Jabuuti ka furan iyo ka Turkigu ka wado Xamar, isla-markaana is-tusaan inay ku khaldan yihiin inay ka soo horjeedsadaan.
Hasa-ahaatee Muranka Saldhigga oo Shacabka Somaliland geliyey Xaalad Jahawareer ah, ayaa Dadka qaarkood rumaysan yihiin inay ku lug-leeyihiin Gacmo-shisheeye oo diiddan in Somaliland oo aan la Aqoonsanayn gasho heshiiskan Saldhigga Milletari, iyagoo adeegsanaya Siyaasiyiin Reer Somaliland ah oo danahooda gaarka ah ka hor-marinaya Danta Dalkooda Hooyo.