Somaliland: Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Wad-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya, Saldhigga Millatari Ee Berbera Iyo Warar Sheegaya In Xilka Laga Qaadayo.

Date:

“Dhallinyaradda Reer Somaliland Camal La’aanta Ayaa Ku Kaliftay Inay Xamar Tagaan”

“Madaxweynuhu Codsi Ayuu Geeyey Baarlamanka Ee Heshiis Muu Gaynin” Wasiir Sacad Cali Shire

Wasiirka arrimaha dibadda Simaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo inay mudho dhalaan wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu yidhi “kama rajo xumin wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya laftigiisu wuu soo hadal qaaday arrinkaas, caalamkuna waxa uu aaminsan yahay ahmiyada wadahadaladu leeyihiin, waayo haddii la wadahadli waayo oo la mari waayo jidka nabada iyo wadahadalka waxa la mari doonaa jidka cunfiga isku dhaca iyo iska hor imaadka, taasina cid-na dan uguma jirto”

Wasiirka arrimaha dibadda Simaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la weydiiyay waxa uu kala socdo siyaasada cusub ee ay Soomaaliya ku soo waajahday Somaliland oo ay ku beegsnayso dhallinayradda iyo xafiis hoos yimaada safaaradda dalka Turkiga ee muqdisho oo la yidhaa xafiiska isku xidhka dhallinyaradda Soomaaliyeed lacago badana ku bixiya sidii dhallinyaradda reer Somaliland ay Soomaaliya u tagi laahaayeen ayaa yidhi “horta u malayn maayo runtii inay dhallinyadeenu u hiloobayso Soomaaliya, taariikh ayay leenahay dadkii taariikhdaa soo joogay ee soo jiray way nool yihiin, waa dadkii dhallinaydda dhalay, waa shalayto, 30 sanno ayay ku aaminay masiirkeena iyo xornimadeena Soomaaliya wixii innaga soo maray iyo dhibkii innaga soo maray waa la wada garanayaa, halkii marnaba ku noqon mayno, tabcan camal la’aan way jirtaa, dhallinayadu Jarmal ayay tagtaa, Yurubta kale ayay tagaan, Kenya ayay tagaanoo, Soomaaliya way tagaanoo, camal la’aantu way ku kaliftaa dhallinayadda inay xamar tagtaan” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad Cali Shire sidee kale waxa uu ka hadlay saldhigga millatari ee Imaaradka Carabtu ka smaysnayo magaalo xeebeeda Berbera isaga oo sheegay in aanu jirin heshiis saldhigga oo uu Imaaradka Carabtu la galay xukuumadda Somaliland waxaanu yidhi “Madaxweynuhu gollaha waxa uu geeyay codsi, codsugu waxa uu ku saabsanaa in heshiis lala galo Imaaradka Carabta oo innaga soo codsaday in saldhigga millatari uu ka samaysto garoonkii diyaaradaha ee Berbera, shuruudana wuu soo raaciyay wali wax aynu aynu kala saxeexanay oo ku heshiinay ma jiraan, hadda ayuu wada-hadalku inoo bilaamayaa, maadaama oo uu baarlamaanku u fasaxay Madaxweynaha wadahadal ku saabsan arrintaa” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad Cali Shire oo wax laga waydiiyay arragtidiisa ku aadan saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo in uu ka samaysto magaalada Berbera ayaa yidhi “horta dee saldhigyadu wax innaga inagu cusub maaha, horaba dee Berbera saldhig ayay u ahaan jirta, marna Ruush ayay u ahaan jirtay, mar salldhig Maraykan ayay ahaan jirtay, Geeskana saldhigyo badan ayaa ka jira waa ogtahay Jabuuti ilaa shan ka badan inta saldhigga uu ku yaalla, qoladan Imaaradku maalin dhawayd Asmara ayay ka samaysteen, in saldhig la ogolaado iyo in aan la ogolaan waxa ay ku xidhan tahay faa’iidadiisa iyo khasaarihiisa”

Wasiirka arrimaha dibadda Simaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la weydiiyay in hadalkaasi uu yidhi ma jiro heshiis saldhigga oo u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo Imaaradka Carabtu uu galaafan karo xilka uu hayo qaran oo ay ka cadhoon doonta Madaxtooyadu xilka laga caydhin doono ayaa yidhi “dee horta adeer wax malo ahba maaha, Madaxweynuhu codsi ayuu geeyay baarlamanka, heshiis muu gaynin iyo qodobada uu doonayo inay heshiiska ku jiraan ee laga hadlayo cidda ina soo weydiisatay saldhigga oo ah dawladda Imaaradka wada-hadalkiina wali muu bilaamin, marka uu wada-hadalku bilaamo ee la heshiiyo ayaa heshiis la galayaa, laakiin dee Madaxweynuhu muu odhanin gollaha heshiis ayaan keenay ee ii ansixiya” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...