Somaliland: Wafti Madaxwayne Ku Xigeenka Hogaaminayo Oo Ay Ku Jiraan Madax-Dhaqameed Reer SaaxilOo Maanta Dalka Ka Dhoofi,,

Date:

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta la filayo inay dalka ka dhoofaan wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” isla markaana ay waftigan qayb ka yihiin odayaal iyo madax-dhaqameed reer Saaxil ah.

Waxaana waftigan  oo kusii jeeda dalka Imaaraadka Carabta maalmihii u danbeeyeyba safarkooda khilaaf xoogan ka taagnaa,waxaana la filayaa inay saaka u dhoofaan dalka Imaaraadka Carabta.

Ujeedada waftigan madaxwayne ku xigeenku hogaaminayo ay u tagayaan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah marti qaad rasmi ah oo ay ka haleen masuuliyiinta dalka Imaaraadka iyo madaxda Shirkada Dp World oo ah shirkada sida rasmiga ah loogu wareejiyey maamulka iyo gacan ku haynta dekeda Berbera,waxaana la filayaa in masuuliyiintaasi ay waftigan kala hadlaan muranka iyo xaaladda Cakiran ee maalmihii u danbeeyey ka taagan dekeda Berbera iyo waliba saldhiga Milateri ee xukuumaddu ka siisay Magaalada Berbera.Sidoo kalena madaxda DP World ayaa la filayaa inay waftigan kala hadlaan sababaha dhaliyey mudaharaadka ay dhigayaan shaqaalaha dekeda Berbera.

Waxaana xukuumaddu ay odayaashan iyo madax-dhaqameedkan u kaxaynaysaa sida la sheegay in ay matalaan bulshada gobolka Saaxil iyaga oo doonaya in ay Imaaraadka Carabta ku qanciyaan inay raali ka yihiin ayna soo dhawaynayaan maalgashiyada ay dalka Somaliland ka wadaan.

Waftigan madaxwayne ku xigeenku hogaaminayo ee la filayo inay saaka ka baxaan dalka waxa kamid ah wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiiru dawlaha arrimaha dibada Maxamed Mixile Boqore,maareeyihii hore ee dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor,maareeyaha dekeda Berbera ee hadda jooga Axmed Yuusuf Dirir, Muuse Dalab oo kamida odayaasha kasoo jeeda gobolka Saaxil iyo waliba laba Caaqil oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Saaxil isla markaana aan magacyadooda naloo sheegin,Sidoo kalena waxa xoguhu noo sheegayaan in ay waftigan raacayaan laba nin oo kamida masuuliyiinta shirkada Dp World dhankooda soo wakiilatay ee maamulaya dekeda magaalada Berbera

Dhinaca kale waxa wada hadalo u socdaan Xukuumadda Somaliland iyo guddi ka kooban labada dhinac ee shaqaalaha dekeda Berbera ee mudaharaadada dhigaya iyo masuuliyiinta Shirkada Dp World kuwaas oo khilaaf soo kala dhex galay isla markaana sababay in ay mudaharaadaan shaqaaluhu isla markaana ay muddo saddex maalmood ah hakad gasho shaqadii dekeda Berbera ka socotay,ilaa hadda lama garanayo wax xall ah oo laga gaadhay khilaafkan iyo nuxurka qodobada kasoo baxay wada hadalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...