Axmed Yuusuf Dirir oo ah masuul ku magacaaban in uu ah mareeyaha dekada Berbera oo ay iminka gacanta ku hayso shirkada Dp World isla markaana dhamaan amarada iyo shaqada ka socota dekadaas ay ka go,aan masuulyiinta Dp World ayaa waxaa uu maanta warbaahinta kula hadley madaxtooyada Somaliland

Masuulkan ayaa waxaa uu sheegay in heshiis laga gaadhay qodobo ay ka cabanayeen shaqaalaha dekada Berbera isla markaana xukuumad ahaan ay maalmihii ugu danbeeyey dhex dhexaadin ka dhex wadeen shaqaalaha iyo maamulka Dp World kaas oo u sheegay in lagu guuleystay