Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa gaadhay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Jaaliyadda reer Somaliland ee Magaalada London, mas’uuliyiinta Laamaha iyo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaan u kala hadhin soo soo dhawaynta waftiga uu hoggaaminayo hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Siyaasi Xisri Cali Xaaji Xasan ayaa ka mid ah masuuliyiin lagu martiqaaday kulan ka dhici doona xarunta lagu falaqeeyo Siyaasada ee loo yaqaano Chatham House.