Somalia: Markab Sita Calanka Imaaraadka Oo Ka Soo Shiraaqday Dalka Jabuuti Oo Budhcad-badeed Afduubtay & Puntland Oo Diyaarinaysa Ciidammo Soo Furta

Date:

Saraakiisha ammaanka ee Somaaliya, ayaa sheegay in koox budhcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah.

Saraakiishan ayaa sheegay in markabkan lala tagay Xeebaha Puntland. ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u sheegay in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay Calanka dalka Imaaraadka.

Madaxda maamul goboleedka ayaa sheegaya in ay weli wadaaan qiimaynta xaaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xidhiidha.

Ila wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka Markabkan.

Mid ka mid ah Dadka deegaanka Markabka La afduubay lala tagay ayaa VOA u sheegay in Dadka Afduubay Markabku ay ka mid yihiin Kalluumaysatada deegaannada Puntland, kuwaasi oo ka cabanaya in Baddii ay ka Kalluumaysan jireen ay Xoog kaga soo saareen Maraakiib shisheeye oo Kalluumaysto ah, sidaas darteedna ay Kalluumaysatadani ay Markabkan u afduubeen inay Kalluumaysatada Shisheeye ka fogaadaan Badaha Soomaalida isla-markaana ay waydiiyaan Madax-furasho.

Waxa Xusid mudan in Saddexdii Sannadood ee u dambeeyay ay aad u yaraadeen Weerarrada Budhcad-badeeda Soomaalidu ka geystaan Badda India.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Soomaalida ee Puntland ayaa sheegay inay abaabulayaan ciidamo amni oo soo furta markab la sheegay inay soo afduubeen kooxo hubaysan, kaasoo la geeyay meel u dhow xeebta Caluula.

Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa VOA u sheegtay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay inuu ka mid yahay dadka markabka soo qabsaday ayaa VOA isna u sheegay inay yihiin kalluumaysato.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii doraad la afduubay doraad, sida VOA baahisay.

Mas’uuliyiinta la socda markabkaasi ayaa VOA u sheegay inay la socdaan toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashaya dhammaantood dalka Sirilanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...