Somaliland: Muddaharaad Ka Dhan Ah Cali Khaliif Galaydh Oo Buuhoodle Ka Dhacay Iyo Dhaawac Ka Dhashay

Date:

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa shalay gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, waxaanay Dad ka tirsan Bulshada magaaladaas ku dhaqani ku qaabbileen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan tegistiisa Buuhoodle.

Prof: Galaydh oo ay weheliyeen qaar ka mid ah Xubnaha Kooxda Khaatumo, ayaa la sheegay inay wakhti salaaddii Subax ee Isniintii shalay ka hor ah ay Buuhoodle gaadheen, iyaga oo habeen-hore ka ambabaxay magaalada Widhwidh oo ay toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaayeen.

Hase-yeeshee, waxay kala kulmeen magaalada Buuhoodle Banaanbax lagu ekeeyey Jidadka Huteelka ay Cali Khaliif iyo Xubnaha la socday kaga degeen magaalada Buuhoodle oo ku yaalla Suuqa badhtamaha ama Faras-magaalaha Buuhoodle. Waxaanu bannaanbaxa oo si nabad ah ku bilaabmay isu beddelay mid rabshado wata ka dib markii ay Banaanbaxayaasha Rasaas ku kala kexeeyeen ilaalada Huteelka ay degganaayeen Galaydh iyo Xubnaha la socday, sida ay ku warrameen Weriyeyaal iyo Dad goob-joog u ahaa dhacdadaas oo Saxaafadda la hadlay shalay.

“Waxaa isugu yimi Dad diiddan imaanshaha Madaxweynaha Khaatumo afaafka Huteel Cabdi-Gurey ee badhtamaha Suuqa Buuhoodle, waxay gubeen Taayirrcaadi ah ka hor itaanay soo bixin Ciidan ilaalinayey Huteelka oo rasaas adeegsadey.” Sidaa waxa yidhi Cali-Dhegjar oo ah Weriye ka hawlgala magaalada Buuhoodle oo la hadlay Shabakadda Hiiraan. Waxaanu Dhegjar intaas raaciyey in uu arkay Hal Qof oo dhaawac ah, Dadkuna sheegayeen Dad kale oo wax soo gaadheen.

Xaalada Hutelka uu deggan yahay Cali Khaliif, ayaa ku soo noqotay mid caadi ah oo deggan, waxaase kacsanaa illaa gelinkii dambe ee shalay magaalada oo laga cabsi qabo inay rabshado ka dhashaan sida ay sheegayaan Dadka reer Buuhoodle qaarkoood.

Ma jiro wax War ah oo uu Cali Khaliif Galaydh ka soo saaray arrintan uu kala kulmay Buuhoodle. Prof: Galaydh ayaa xaalado ku lid ah isaga oo is-daba-joog ah kala kulmayey magaalada Buuhoodle tan iyo bishii hore, waxaana bilawgii bishan Koox Dablay hubaysan ah oo la baxay Ciidanka Ammaanka Buuhoodle ay u diideen inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle, iyaga oo ka reebay Diyaarad uu u raaci lahaa Jabuuti oo uu horraantii bishan kaga qaybgalay wejigii labaad ee wadahadalka u furmay Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, isaga oo markii dambe Guure Socod Gaadhi ah kaga soo baxay Buuhoodle, isla markaana Hargeysa ka dhoofay. Waxa uu sidoo kale xannibaado isu-socodka deegaannada Buuhoodle ah kala kulmay Jabhaddaas oo uu Masuuliyadda ka dambaysay falalka ay ku kaceen ku eedeeyey Isimmada iyo Garaaddada Beelaha Dhulbahante oo uu sheegay inay Jabhaddaasi ka amar-qaadato iyaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...