Madaxwayaha jabuuti Ismaaciil Camar Geele ayaa sidda warar hoose oo 24Somaliland helay ay sheegayaan u yeedhay Mujaahidiinta ugu magaca wayn beesha subeer awal.
Waxaana wararku intaasi ku darayaan in ay waddanka jabuuti tageen Mujaahid Ibraahim Dhaga-wayne iyo Cismaan Awr-liqe, kuwaas oo ay dawladda jabuuti ka wadda hadlayaan sidda wararku sheegayaan in aanay Imaaraatka carabta u suurto galin ay gacanta ku dhigaan dakadda Barbara.
Mar warsidaha 24somaliland uu isku dayay in uu la xidhiidho cismaan awr-liqi xalayto ilaa saaka ayaa mobile-kiisa gacantu uu xidhan yahay.
Xaaladda magaalada barbara ayaa ahayd mid aan daganayn ilaa todobaadkan. Lama hubo wali waxa ay ka wadda hadleen iyo qaabka ay isku fahmeen labadan mujaahid iyo waddaanka jabuuti. Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadd wadda galeen jabuuti iyo hayadda D.P.world