Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in ay jiraan xaaladaha shakiga leh ee la xidhiidha dhibaatooyinka beryahan dambe dadkeenu ka hadlaan sida sixirka, afduubka iyo xaaladaha la midka ah balse aanay sidaa loo wada sheegayo aanay wax badani u jirin balse ay iyagu ku baraarugsan yihiin ka wasaarad amni ahaanna wax badan kala socdaan isaga oo sheegay in umadii khalkhal la galiyey oo ubadkii yaryaraa aanay albaabada ka baxayn sidaa darteed loo baahan yahay in innaga oo feejigan aan haddana kalsooni qabnaa.
Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirudawlaha Amniga Somaliland waxa uu sheegay in xataa isaga arrinkani taabtay oo ubadkiisii aanay albaabka ka baxayn illaa la kaxeeyo umaddiina khalkhal lagu abuuray isaga oo sheegay in ay jiraan Dumar laga soo qabqabtay Magaalada Burco oo arrimahan oo kale loo soo qabqabtay.
Maxamed Muuse Diiriye oo shalay warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Dumar laga soo qabqabtay Magaalada Burco waannu ognahay. Halkan Hargeysa gabadh la yidhi waa la afduubay oo la soo qabtay waannu ognahay. Baadhis bay hawshaasi ku jirtaa haseyeeshee hal qodob baa meesha yaalla dadkaa ehelka ah ee dadkooda la dhibaataynayo ee dadkaasi waxyeelaynayaan ma jirto cid si toos ah ula soo xidhiidhay hay’adihii ay khusaysay Nabadgelyada oo tidhi ciddaasaa iga maqan ama ciddaasaa wax la igaga sameeyey way yar tahay haddii ay jirtana. Imika waad ogtihiin oo dalkeena guud ahaanba tanaa la sameeyey qofkanaa la afduubay, qofkanaa wax la saaray, qofkanaa la salaamay oo lacag laga qaatay wax badan baa dee lagu odhanayaa mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa uun malaha waa dadku ha digtoonaado uun xaalku oo waatii caruurta lagu seexin jiray faruuryo geedo laac iyo caws iyo biyo ku nool. Beri waxa la odhan jiray waraabe ayaa nin halkan ku cunay, waatii la odhan jiray nin juudaan qaba ayaa xaafaddaa Siinaay dusheeda wax ku cunay. Wax la soo taabtay oo aynu aragnay oo uu leeyahay qofkii dhalay aniga weeyaan way yar tahay”.
Wasiirul dawlaha Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo arrimahaasi ka sii hadlayaa waxa uu yidhi: “Mushkiladda taagani waxa weeyaan dadkeena shay baa soo baxaya waa laga yaabaa in qodob iyo laba ay yihiin wax dhacay dabadeedna boqol baa laga dhigayaa. Waxaan leeyahay horta bal caruurta ha innaga didinina oo yaanay sas innaga qaadin. Haseyeeshee hawshaa wax waa ka jiraan baadhisteeda ayaanu ku jirnaa sababteedana waanu ku daba jirnaa. Waxan sixirka la yidhaa kolba qofba si buu u arkaa. Nabi Muxammed SCW wuu sheegay laakiin ha aaminina hana rumaysaninaa la yidhi isaga iyo falalowga iyo waxa la sheego waa wax la sheegay sidaa darteed maama wax aynu sideeda u qaadano oo isku baqo galino. Bisinkaasaa wax walba kaaga filan. Waxaan maqlay hablo lagu leeyahay Burco ayaa laga soo qabtay oo la leeyahay cidbay raacday oo iska daba gashay oo in ay tahriibto ayay doonaysay. Deetana waxan ayay ku marmarsootay. Ma rasmi bay ka tahay?, ma garan karno waa in aynu hubsanno. Waxa loo baahan yahay in aynu runka ka gaadhno oo aynaan dadkeena bahalo galin. Kelyaa lagala baxaabaa la leeyahay. Dad ubadkooda iibinaya ayaa jira oo aan dalkeenan ahayn. Waxa jira dad kasoo jeeda dalal badan oo aanay waxbaba la ahayn in uu ilmihiisa gadaa ayaa jira oo aan inala caqiido ahayn. Ninka doonaya in uu kelmo la baxo si dhib yar buu u helayaa oo fudud teenna. Wixii jiraba annagu ka hadhi mayno oo waannu soo taabanaynaa gunta dadkana khalkhal yaynaan galin. Aniga ubadkaygu gurigaa kama baxaan iyaga oo la kaxeeyo mooyee. Way wanaagsan tahay in aynu ka digtoonaano oo aynu sheegno wixii xunee dhacaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
Somaliland: Cabsida Sixirka Iyo Afduubka Oo Guryaha Ugu Tagay Xukuumaddii Iyo Wasiir Sheegay In Ubadkiisu Albaabka Guriga Aanay Dhaafin Cabsi Darteed!!
Date: