Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin Warar dhawaanahan Suuqa ku jiray oo tibaaxaya in Faysal Hoggaaminta UCID mustaqbalka dhawr uu ku wareejin doono Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Hase-yeeshee, Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriisa oo uu maalmo ka hor Safar ku tegay uu Khadka Taleefanka waxa ka jira Wararkaas wax kaga weydiiyey Xamse Cali Bulbul oo Horn Cable TV ka tirsan, ayaa sheegay inaanu Xisbigu ahayn wax Qofba Qof kale iskaga wareejiyo ee uu yahay mid wareejintiisu nidaam, Shirweyne iyo doorasho ku timaaddo. Balse waxa uu qiray inay Saaxiibtinnimo ka dhaxayso isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada oo ay Guddiyo kala duwan Xubno ka wada yihiin.
“Wax Aniga iga soo baxay maaha. Xisbiga wareejintiisu Shirweyne ayaa Hoggaanka Xisbiyada lagu doortaa, wax la wareejiyaa ma jirto, taasi waxay ka marag-kacaysaa in Aqoonteennu aad iyo aad u hoosayso haddaynu nahay reer Somaliland, oo wixii kasta ee la yidhaahdaba la rumaysanayo. Guddoomiyennimada Xisbigu wax la isu dhiidhiibo maaha, nidaam buu ku yimaaddaa, Shirweyne ayaa la sameeyaa, Ergooyin baa ka soo qaybgala, waa loo tartamaa, nidaam buu qaataa, markaa waxaasi waa dacaayado raqiis ah.” Sidaa ayuu Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey waxa jira Wararkaas.
Mar Faysal Cali Waraabe la weydiiyey in dhawaanahan uu muuqdo xidhiidh dhaw oo ka dhexeeya Faysal ahaan iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo inay mustaqbalka Xisbiga UCID ka wadahadlaan iyo waxa uu ka odhanayo, waxa uu ku jawaabay; “Dawladdu soo dawladdaydii maaha? Wasiirku waa Wasiirkeennii Madaxtooyada, Shaqooyin baa naga dhexeeya, arrinta dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Khaatumo ayaa naga dhaxaysa, waxa naga dhexeeya Guddiga Ictiraaf-raadinta Somaliland oo aannu ku wada jirnaa. Dawladda waxa innaga dhexeeyaa waa Qaranka, arrimo aan wada leenahay baa jira oo aan Mucaarad iyo Muxaafid aan la kala lahayn.”
Waxa uu Guddoomiyaha UCID sheegay in Siyaasiyiinta iyo Shacabka Somaliland badain u muuqdaan kuwo aan aqoon u lahayn nidaamka dawladnimada iyo sida ay Mucaaradka iyo Muxaafidka wax badan oo ka ay ka wada shaqeeyaan u jiraan, waxaanu yidhi; “Somaliland Siyaasiyiinteeda iyo Shacbigeeduba waxaad mooddaa inaanay aqoon oo Dawladnimada garanayn. Mucaaradku maaha wax cuna Dadka, waxna waa la kala leeyahay, waxna waa la wada leeyahay. Laba Nin oo laba Xisbi ku kala jira oo isku Qaran ah; way saaxiibi karaan, horena saaxiib baannu u ahayn, immikana saaxiib baannu nahay, danta dalka ayaannu ka wadahadalnaa, cadawga dalkaan ka wadahadalnaa, gacan baan ka geystaa Anigu Somaliland kolba kii haya kuma eegee waan ka caawiyaa wixii aan u tari karayo.”