Somaliland: “Madaxweyne Waxaan Kugula Talin Lahaa Inaad Wareegto Ku Mamnuucdo Dhammaan Xafladaha Ay Asxaabtu Xilligan Qabanayaan” Cabdikariin Axmed Mooge

Date:

Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane abdikariin Axmed Mooge ayaa Warqad Furan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Taas oo uu Kaga Dalbaday inuu Dalka Geliyo Xaalad Deg Deg ah Maadaama Heerka abaartu Marayso ay Tahay Halkii ugu Xumayd.

Cabdi Kariin Axmed Mooge ayaa Qoraal uu Ku faafiyey Degelka uu ku Leeyahay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxay u dhignayd Sidan:- ”Madaxweyne maanta abaarta ba’an ee dadkeena haysata ayaa inagu khasbaysa in wax kale oo dhan in dhinac layska dhigo, waxaan kugula talin lahaa in aad qaado talaabooyin kan dhawrka ah si loo samotabixiyo dadkeena ay abaartu ku habsatey.

In aad dalka galiso xaalad degdeg ah, si loola tacaalo abaartan ba’an ee ina haysa kana sii darraysa maalinba maalinta ka danbaysa.

In aad dib u habayn ku samayso iyo in aad dib u magacowdo guddida qaranka ee NERAD, si ay u dajiyaan qorshaha guud ee lagula tacaalayo abaaraha iyo diyaarinta waxa lala hortagaago Deeq Bixiyayaasha, Bulshada Calaamka, Saxiibada Somaliland iyo in ay warar sugan ka bixiyaan herarka ay abaartu marayso. Gudida abaaraha ee hada jirtana awoodooda lagu koobo in shacabka ay ka soo guraan qadhaanka iyo gacansiinta NERAD.

In la abaabulo shirar joogto ah oo heer walba ah, oo ay isugu imanayaan xubnaha NERAD,Wasiirada u xilsaaran gurmadka abaarta, Guddida Abaaraha, Deeq Bixi-yayaasha iyo NGOs maxaliga ah si laysula ogaado waxa la qabanaayo iyo cida u xilsaaran in hawshaas la qabto.

In dhamaan miisaaniyadda qaranka marka laga reebo kharashaadka daruuriga ah iyo kuwa aan looga maarmeyn hawl socodsiinta qaranka loo duwo taakuleynta abaaraha

In dhamaan gadiidka dawlada ee laga maarmikaro lagu wareejiyo NERAD iyo Gudida Abaaraha si ay taasi u badbaadiso kharashaadka lagu kireeyo gadiidka loo isticimaalo taakulada abaaraha.

In aad wasiirada qaranka u kala dirto jiidaha ay abaartu ka jirto si ay dadka ula qaybsadaan dhibta iyo kadeedka una qabiyaan kolba wixii soo gaadha raashin iyo biyo

In wasaarada cafimaadku ay hawl galiso kooxo wareega oo cafimaad dalka oo dhan lana hawl galiyo dhamaan ardeyda ka dhigata cafimaadka jamacadaha dalka si ay gargaar cafimaad ugu fidiyaan dadka tabaalaysan.

In dhamaan saxaafada dawliga ah iyo kuwa madaxbanaan dawladu ka saacido in ay ka soo waramaan abaarta shacabka iyo aduunkana gaadhsiyaan dhawaaqa dadka tabaalaysan

In la mabnuuco dhamaan xafladaha ay asxaabta qaranku maalin walba qabanayaan xiligan adag ee soo foodsaaray ummadda Somaliland. Waxay ahayd in ay iyagu gartaane lakiin hadii damiirku siin wayay iyaga wareegto ku mabnuuc ilaa abaarta alle inaga soo furto.

In la joojiyo cashuurta laga qaado raashinka daruuriga ah ee soo dagaya si qiimuhu hoos ugu dhaco ama in dawladuba toos ula soo degto raashinka ay kula tacaalayso oo ku takulayso dadka abaartu taabatey

In madaama oo ay abaartu tahay masiibo qaran in aad dhamaan hawlaha gurmadka abaaraha aad ka dhigto hawsha ugu weyn ee ka socota xafiiskaga waayo madax meel ka saraysa oo la taabta ma jirto

Halka ugu danbaysa waa in aan muujinaa in aan nahay qaran is garabsada xiliga adag, una midowna in aan gacan ka geysano abaartan ba’an ee maanta dadkeena iyo dalkeena haysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...