Hay’adda Dhawrista Oo Noqotay Magac U Yaal Wakhti Walaac Laga Muujinayo Ganacsatada Qaar Ka Mid Ah Oo Alaabo Wakhtigoodu Dhacay Kasoo Xaraashta Imaaraadka
Iyada oo ay maalinba maalinta ka dambaysa isa soo tarayaan dhibaatooyinka caafimaad ee shacabka reer Somaliland ay ka dhaxalayaan cuntooyinka iyo daawooyinka tayada xun ee dalka sida la doono loo soo galiyo wakhti aanay jirin hay’ad kantaroosha tayada iyo bad-qabka daawooyinkaasi iyo raashinkaasi ayaa waxa waddanka Imaaraadka Carabta naga soo gaadhay warbixin dhiillo xambaarsan oo ay Wargeyska Foore la wadaageen qaar ka mid ah Muwaadiniinta dalkaasi Degan oo noo sheegay in raashin tayo xun oo wakhtigiisu dhaco lagu soo farsameeyo taariikh cusubna dib loogu soo qoro waddankaasi iyada oo ay ganacsatada waaweyn qaar ka mid ahi gabood falladaasi shacabkooda dhibaatada ku ah ay ka sameeyaan dalkaasi iyaga oo dalka keena raashin badan oo wakhtigiisii dhacay ama dhaw yahay oo dib loogu soo habeeyo taariikh muddo dheer ah oo cusub sidaana dalka lagu soo galiyo.
Mid ka mid ah muwaadiniinta ku sugan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo aannu arrinkan wax ka waydiinay isaga oo ku sugan wakhtigan dalka ayaa noo sheegay in wakhtiyadii hore la arki jiray Raashin kala duwan iyo cuntooyinka fudud ee Staff Foods ka loo yaqaano lagu arki jiray iyada oo dawlada Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ku gubaysa goobo fagaare ah iyada oo sababtu tahay wakhtiga raashinkaasi oo ay ugu yaraab ka hadhsan tahay Lix bilood balse sannadihii ugu dambeeyey aan dalkaasi lagu arag raashin lagu gubayo iyada oo wakhtiga raashinkaaasi soo dhaw yahay dhicitaankiisu la ogaaday in ay ganacsato reer Somaliland dib u soo iibsadaan raashinkaasi kadibna ay wakhti muddo dheer ah oo cusboonaysiin ah inta ay ku soo karaatooneeyaan dalka u soo dhoofiya iyada oo ay arrintaasi muddo dheer ka shaqaynayeen kooxo mukhalasiin ah oo isku xidha ganacsatada iyo kuwa kale ee dalkaasi meherada ku haysta ee halkii ay ka gubi lahaayeen raashinkaasi dib uga soo iibiya ganacsatada Soomaalida ah.
“Wakhtiyada qaar waxaan xasuustaa iyada oo aan arki jirnay dawladda Hoose ee Baladiyaadka loo yaqaano ee Imaaraadka oo goobaha qashin gubka ku gubi jirtay raashin wakhtigooda ay ka hadhsan tahay ugu yaraan Lix bilood oo tukaamada laga soo ururin jiray. Waxa amar lagu siin jiray tukaamada waaweyn ee raashinka iyo cabitaanada sameeya in marka ay ka hadhsan tahay raashinkaasi taariikhdooda dhicitaan Lix bilood la gubo sidaasi ayaana lagu gubi jiray. Nasiib darrada innagu dhacday ganacsatadeena qaar ka mid ah oo waliba kambaniyo waaweyn ay ayaannu ogaanay in ay tukaamadaasi imika ka soo iibsadaan oo qiimo jaban ka soo siistaan raashinkaasi iyo cabitaanadaasi wakhtigoodu dhaw yahay kadibna ay taariikh cusub ku soo moor gareeyaan oo karaatoonta iyo agabka ay ku jiraan dib loogu soo qoro sidaana loogu soo dhoofiyo Somaliland. arrinkaasi waxa nagu maqaalo ah in ay markii ugu horraysay ganacsatada u fududeeyeen niman mukhalasiin ah oo soo ogaaday raashinkaasi wakhtigoodu dhaw yahay ee Imaaraadku gubo qiimo jabana ay ku soo qaataan. Waa ayaan darro weyn iyo dhbaato caafimaad oo maant aad arkaysaan waxa aynu ka dhaxalnay. Waddan aan lahayn hay’ad ilaalinta tayada ah oo wax walba l aiska soo galinayo adduunka ma jirto sideena oo kale” sidaa waxa yidhi Muwaadin Axmed Xasan oo ka mid ah jaaliyadda Imaaraadka deggan oo Foore la hadlayay.
Shacabka Somaliland ayaa mar walba cabasho weyn ka muujiya dhibaatada ka dhalata tayo xumada raashinka, cabitaanada iyo daawooyinka dalka la keeno oo aan lahayn kaantarool iyo cid baadha toona inkasta oo ay dalka ka jirto hay’ad ku magacaaban ilaalinta tayada (Quality Control) oo aan aba yaraatee waxba qaban. Dahwaan ayay ahayd markii masuulka hay’addani warbaahinta u sheegay in aanay haysan qalab ay ku baadhaan agabka la soo dhoofiyo.