Somaliland: Oo Dariiq Diblamaasiyadeed U Martay Danaheeda Dalka Maraykanka.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga, ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumadda Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, isla markaana u ololaynayso sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo dhoweyn.

Qoraal Wasiir Dr. Sacad u diray xukuumadda Maraykanka shalay, isla markaana lagaga hadlayey sida Somaliland u aragto amarka xanibaadaha socdaalka Maraykanka ee dib u eegista lagu sameeyey ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayso amarka labaad ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, waxaana lagu bilaabay:

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumada Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, isla markaana, u ololaynaysa sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo-dhoweyn, maadama dalkayagu madaxbanaanidiisi dib ugala soo noqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad ayaa qoraalkan ku sheegay in kastoo xukuumada Somaliland hore dareenkeeda amarka xayiraadaha socdaalka ugu gudbisay bishii January 21-keedii, ay soo dhoweynaynaa dib u eegista lagu sameeyey amarka, ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, ama hore ugu socdaalay inay tegi karaan.

“Si kasta, maadama, Somaliland & Maraykanka ay horumariyaan dannaha ay wadaagaan ee amaanka iyo kuwa dhaqaale, siyaasadaha socdaal ee la xidhiidha Soomaaliya, waa inaan lagu dabakhin muwaadiniinta u dhashay Somaliland.

“Muddada sagaashanka maalmood ee dib u eegista lagu samayn doono amarka xayiraadaha, waxay xukuumada Somaliland u caddaynaysaa Maraykanka saamaynta ay muwaadiniinteeda ku keentay, kuna dedaalaynaa in la helo talaabooyin ay kaga badbaadaan muwaadiniinteenu amarada dambe mustaqbalka.”

Ugu dambayn qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagu sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay balaadhinta iskaashiga ay wadaagaan Maraykanka, waxaanu yidhi,

“Somaliland waxay caddaynaysaa doonisteeda in la balaadhiyo iskaashiga aan wadaagno, isla markaana dalbanaynaysaa aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland.

Qoraalkan xukuumada Somaliland la wadaagtay dalka Maraykanka, ee la xidhiidha saamaynta amarada xayiraadahu ku yeelan karaan muwaadiniinteeda, ayaa noqonaya mid loo raacay nidaamka dublamaasiyadeed ee wadammadu u wada xidhiidhaan, isla markaana si weyn uga duwan qoraal Madaxweynaha Soomaaliya kaga jawaabay amarka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...