Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Aamusnaan Shalay Dalka Ku Soo Galay Iyo Guul Wadayaasha Madaxtooyada Oo U Diiday Inuu Saxaafadda Hor Yimaaddo

Date:

M/Siilaanyo Oo Ka Fakaday Shalay In Waxa laga Waydiiyo, Culayska Soomaaliya ku Hayso Heshiisyada Imaaraatka, Abaarta lagu idlaaday Ee Ay Xukuumaddu Ka Gaabisay, Sixir Bararka, Caafimaadkiisa, Korodhsiimadii Loo Sameeyay Iyo Walaaca Beesha Caalamka

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu Safar Nasho ah dalka dibadiisa ku soo qaatay,Madaxweynaha oo aad loo sugayay islamarkaana wakhti adag dalka dibada uga baxay ayaa markii uu Garoonka ka soo degay waxa loo diiday islamarkaana laga hor istaagay inuu Saxaafada la kulmo ama horyimaado iyo in Wax hadal uu Halkaasi ka jeediyo.
Madaweynaha ayaa markii uu Shalay ka soo degay Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ee Magaaladda Waxa uu si toos ah u aaday halka uu yaalay Gaadhigii loo diyaariyay, Waxaana gabi ahaanba Saxaafada ka hor istaagay inuu la hadlo Hawlwadeenada Madaxtooyadda oo uu ugu horeeyo Afhayeen Xuseen Dayr oo Saxaafada u diiday inay la kulmaan ama ay Wax waydiiyaan Xaaladaha Culus ee dalku ku jiro iyo Heerkiisa caafimaad sida uu yahay maadaama oo intii uu maqnaa warar badan oo Caafimaadkiisa ku saabsan laga Baahiyay. Saxaafadii halkaasi shalay Madaxweynaha kaga hortagtay ee Wajigabaxa kala kulantay ayaa gabi ahaanba ka cadhootay qaabka loola dhaqmay,Waxaanay diideen inay Muuqaalo ka qabtaan Masuuliyiinta kale ee Madaxtooyada ka socday oo damcay inay la hadlaan Saafada,waxna ka yidhaahdaan Safarka Madaxtooyadda.
Qaar ka mid ah Saxaafadda oo markii dambe looga yeedhay Qasriga Madaxtooyadda ayaa waxa la hadlay Afhayeen Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige (Dayr),kaasi oo si kooban cudur daar uga bixiyay sababta uu Madaxweynuhu ula hadli waayay Saxaafadda,Waxa uu iska fogeeyay inaanu Madaxweynuhu Caafimaad daro haysa ula hadli Kari waayin Saxaafada ee uu marka uu doona uun la hadlayo,waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu safar nasasho ah dalka dibada uga maqnaa islamarkaana ay ku wehelisay oo qudha Marwada Madaxweynaha,Waxa kale oo uu cadeeyay inaanu Madaxweynuhu intii uu safarka nasashada ah ku joogay London wax kulan ah la qaadan Dawlada Ingiriiska,waxa kale oo uu yidhi oo hadalkiisa ka mid ahaa“Wararka Barobagaandada ah ee Suuqa kujiray ee ahaa,Madaxweynaha Waa la qalayaa,Madaxweynuhu wuu xanuusanayaa,Ninkii Alle dilla ayaa dhinta,Cudurka iyo Caafimaadkana Illaahay ayaa haya,Xiqdiga,buqdiga iyo Xasadnimada la leeyahay Qof aan xanuusanayn,Dhatarna aan galayn,loo sahadinayo,Waa habaar,Madaxweynahana in lahabaaro maaha”.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa laga dhursugayay in Marka uu Dalka ku soo laabto uu ka hadlo oo Wax laga waydiiyo arimo badan oo qalafsan oo dalka ka taagan,Sida Abaaro baahsan oo aanay Xukuumaddiisu wax gurmad ah ka galin,Caalamkana gaadhsiin,Siyaasad xumo gudaha Dalka iyo Dibadiisa ka jirta,Muranka Saldhiga Milatari ee Imaaraatka,Farogalinta Qaawan ee Soomaaliya ku hayso Somaliland,Sixir Bararka ama Dollar Qaaliyawga,Tayo la’aanta Xukuumaddiisa,iyo Walaaca Shacabka Somaliland ka haysta ee ku saabsan Isku furanka Madaxweyne Siilaanyo isku furay Soomaaliya Iyo Somaliland ee ay Masuuliyiin Xilal hayaa uga degeen Muqdisho iyo sidoo kale Korodhsiimada ay u sameeyaan Golaha Guurtidu iyo Walaaca Beesha Caalamka ee Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadii Somaliland oo gud madaw ku dhacday.
Madaxweynaha Shalay loo diiday inuu Saxaafada la hadlo ayaa shaki Kale oo horleh dhalisay,Waxaanay dad badani u turjunteen inuu Wali u afduuban yahay Koox la sheegay inay taladii dalku u gacan gashay kadib markii uu itaal dareeyay Madaxweynuhu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...