Somaliland: Cali Guray Oo Sheegay In Muuse Biixi Yahay Kan Maanta Xaaladda Adage Ee Dalka Wax Ka Qaban Kara Uguna Go’aan Qaadasho Adag Ragga La Tartamaya

Date:

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo loo yaqaano Cali Guray kana mid ah wakhtigan Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa si cad shaaca uga qaaday in xaaladaha dalku ku soo beegan yahay ama duruufaha ku gedaaman wakhtigan Somaliland in uu ka bixin karo oo kali ah siyaasi leh ku dhac iyo hal-adayg hogaamineed iyo go’aan qaadasho wakhtigeeda ku habboon in uu u arko kaliya in uu yahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo ka mid ah saddexda Musharrax ee doorashooyinka soo socda u tartami doona xilka Madaxweyne marka la gaadho doorashooyinka Madaxweynaha oo la filayo in ay dalka ka qabsoonto Bisha November ee sannadkan.
Guddoomiye ku xigeenkii 3aad ee Hore ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu sheegay isaga oo aan hayb ugu xaglinayn in Muuse Biixi Cabdi uu u arko ninka saddexda Musharraxa ee tartami doona ugu roon dhinaca go’aan qaadashada wakhtiga qadhaadh ee xaaladda dalku marayo ak dabbaalan kara dalkana ka badbaadin kara dhibaatooyin badan oo wakhtigan haysta.
Cali Guray waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Degelka uu ku leeyahay Mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxaanu yidhi: “Runtii aragtida musharaxa Kulmiye hadii ficil loo rogo waa mid lagu guuri karo oo haddii laga rumeeyo ay hubaal tahay in lagu beegsan karo nolol tan dhaanta. Balse marka hore waxay ku xidhan tahay sida ay uga go’an tahay shakhsiga isagu hogaamiyaha ahi inu isbedel sameeyo. Laakiin ma samayn karo hadii aanu go’aan qaadasho lahayn waayo waxa badan carqaladaha horyaala iyo xoogaga ka dhanka ah isbedelka ee aan ka dhex arki karayn danahooda gaarka ah oo aad xarfaan ugu ah tabaha ay adeegsadaan iyo halka ay u nugulyihiin dadkeenu sida qabyaaladda oo kale.
Anigu hawlaha u yaal Madaxwaynaha ka dambeeya kan xilka haya maaha kuwa si fudud uu uga dabaalan karo haddii aanu noqon marka hore qof go’aamo adadag qaadan kara isla markaana dadkiisa ku qancin kara kuna midayn kara inay la guntadaan hadii uu tusiyo daacadnimo dadaal si cadaalad ahna u maamulo oo wax ugu qaybiyo isaga oo u danaynaya inta tirada badan ee saboolka ah. Waa in aanu noqon hadii uu yahay nin isbedel samayn kara nin kooxeed ama nin qabiil.
Waa laga yaabaa in aan qaldanahay waayo bini aadmi ayaan ahay lakiin eexi waa iga walaahi Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaan u arkaa ka ugu dhaw inta tartamaysa ee ku dhiiran kara inu wax bedeli karo waayo waa nin aan ku qanacsanahay inu xili adag go’aan adag qaadan karo wana sababta aan shakhsi ahaan u taageersanahay. Lakiin qofka isaguna cid kale u arka waa ra’yigiisa waanan ku ixtiraamayaa”.. Ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay Mujaahid Cali Guray

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...