Boqol qof oo Somali ah oo Maraykanka laga soo Tarxiilay ayaa maanta soo gaadhay
Dadkan la soo Tarxiilay ayey diyaaradii siday saaka soo caga dhigatay garoonka muqdisho, halkaas oo lagu arkayey iyagoo Katiinadaysan.
Dadka la soo Tarxiilay ayaa warbaahinta u sheegay inay qaarkood sharciyo haysteen, halka kuwo kale-na xabsiyo ku jireen dhawr sanadood.
Dadkan la soo Tarxiilay ayaa la soo celiyey kadib markii Madaxweynaha cusub ee dalkaasi dhawaan amar ku soo rogay in aan dalkaasi ayna soo gali doonin toddoba Dal oo ka mid ah kuwa Islaamka ah.
Muqdisho.