Waxaanu Markii u horaysay u kuur galay qaabka Muddanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland umaraan Ansixinta Wasiiradda Cusub ee ay Xukuumaddu u soo gudbiso ,Waxaananu wax badan ka ogaanay qaabab bahalnimo kujirto oo ay Xildhibaanadu Galaangal ula sameeyaan Wasiiradda Saaxadda ku Cusub,iyagoo qaarkood ka qaada Lacago Xad Dhaaf ah oo ay ugu fududeeyaan Ansixintooda.
Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo u kuurgalay qaabka ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu u waajahaan ansixinta Wasiiradda Cusub ayaa waxa uu Shalay Booqday Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland oo ay galinkii hore iska xaadiriyeen Inta badan War-fidiyeenada ka hawlgala Magaaladda Hargeysa,kadib markii laga war helay kalfadhi ay Golaha Wakiiladu lahaayeen oo la sheegay in lagu ansixinayo Xayn wasiiro ah oo cusub oo Xukuumaddu dhawaan u gudbisay. Waxa gabi ahaanba haawanayay oo aanay cidi ku jirin hoolka Shirarka Golaha Wakiiladda,Waxaana dul gaaf wareegayay Qaar ka mid ah Wasiiradda La ansixinayay oo tiradooda lanoogu sheegay 17-Wasiiro iyo Ku xigeeno iskugu jira iyo Gudoomiyaha Banka Dhexe, Waxa sidoo kale ay shirar gooni gooni ahi ka socdeen Qolal gaar ah oo markaa ka tirsan Dhismaha Aqalka Golaha Wakiiladda,kuwaasi oo ay hawl gaar ahi ka socotay,Waxaananu Warar Hoose ku helay in Qolalkaasi ay kujiraan Dilaaliinta heshiiska lagala Wasiirada Cusub kuwaasi oo Si gooni gooni ah ula kulma Wasiiradda,kana ansixiya Xadiga lacagta ay ka qaadayaan iyo qaabka ay uga qaadayaan.
Waxa jira Dilaaliin gaar ah oo gacan qabta Wasiiradda Cusub,Una Fududeeya Hawlaha Ansixintooda Golaha Wakiiladda,Waxa ay la habeeyaan CV-yaddooda waxaanay Isfahamsiiyaan Dilaaliin mudanayaasha Wakiiladda ka tirsan kuwaasi oo lacago badan ka qaada Wasiiradda,Wasiiro ku xigeennada iyo Cid kasta oo dastuurku faray in lasoo mariyo,Waxa lacagta ugu badan laga shubaa Masuulka ay Cv-yadiisu liitaan,waxaana hawshaasi fududeeya Dilaaliin gaar ah oo lacagta gaadhsiiya inta cod ee looga baahan yahay ee uu Masuulkaasi ku ansaxmayo,iyagoo qaab qarsoodi ah lacagta ugu qaybinaya Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, balse waxa marka hore la sii qaadaa Lacagta oo lagu shubaa Akawn gaar ah.
Sikastaba hanoqotee, Waxa gabi ahaanba la laayahay oo raagtay Lacag loo yaqaan dib-Udejin oo ay Madaxtooyadu siiso Masuuliyiinta Cusub,si ay boodhka iskaga sii jafaan,Lacagtaasi ayaa qaybta ugu badan Waxa ay Wasiirada Cusubi iskaga furfuraan Xildhibaanadda waana lacagta ay ku bahaloobeen Wakiiladu. Sababo la xidhiidha Lacagtaasi oo Wali ku maqan Madaxtooyadda ayaa shalay dib loogu dhigay Ansixinta Wasiiradda Cusub illaa Sabtida Soo socota.
Somaliland: Maxaad Ka Taqaan Qaabka Xildhibaanadda Golaha Wakiiladdu U Maraan Ansixinta Wasiiradda Cusub, Mase Aamini Kartaa In Wasiir Walba Gaarkiisa Loola Heshiiyo Oo Laga Qaado Xadi Lacag Ah
Date: