Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kala qoqobka iyo kala qaybinta ka dhex jira xisbiga KULMIYE.
Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal uu arrintaa kaga hadlay soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebooga ayaa yidh:
NIN WALAALKI DOORSADAY ILAAH DEREJADAYN WAA .
Waxa ugu liitisan tartanka dhexdeena ka dadkiisa ku sheega cid kale ee dadkiisu aanay waxbaba la ahayn ee muquuno u bixiya. Wuxu mutaa saw dad la’aan maaha. Kolkuu kolba badh daadiyo muruq iyo maal iyo maskaxba u ah cadwgiisa sawka isagu isu loogay ee isagana maalin la cantoobsaday ee la gumeeyay.
Somaliland waxay qaran ku noqon kartaa in loo wada dhamaado. Ninka aaminsan inay in gaar ah ama reero gaar ah ku noqon karto Qaran gu muu jirin dan baana u run sheegi. Dadkuna waa Somalia dalkuna waa Somaliland xaguu ka helaya? Hadii Somaliland badh Somalia laga dhigo ogaada oo ku talogal in khariidada Somalilandna ay isbedelayso oy soo koobmayso halka khariidada Somaliana ay isbedelayso. Bal qiyaas keeba sedbursiimo helay oo dad iyo dal helay. Ka wax fogaynaya ee dadkiisa shishiiye raaciyay iyo ka uu raacinayo shisheeyaha kee baa tol iyo tamar iyo taagba roon? Hadiiba tooda loo raaco reerna reer kama adkaan karo oo qasab kuma xukumi karo ee meelba cideeda ayaa joogi oo reerba halkiisa ayuun buu xukumi