“Go’aankaygu markasta waxa uu yahay Dadka (Sool iyo Buuhoodle) taladooda iyo deegaankooda mar walba inay xor u yihiin, haddii nabadgelyo lagu gaadhayo waa Allaah mahaddii. Haddii nabadgelyo lagu waayo sidii kale ee lagu dooni karaba diyaar baannu u nahay..” Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
Garaadka Guud ee Isimmada gobollada Sool iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac, ayaa ka warramay kulan magaalada Dubai ku dhex-maray Wefti Somaliland ka socda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha UCID. Waxaanu Garaadku sheegay inaanay waxba iskula meel dhigin ka badan in la taageero wadahadallada u bilaabmay Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.
Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante oo si weyn ugu ololeeya arrimaha Soomaali-weyn iyo Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo, isla markaana wakhtigan ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaa Khadka Taleefanka waraysi dheer kula yeeshay Weriye Khadar Macallin Deeq oo ka tirsan Somalinews TV, kaas oo uu kaga hadlay arrimahaas iyo kuwo kale, isla markaana ku sheegay in Maamulka Dadka uu Garaadka u yahay ahayn Somaliland ee uu yahay Khaatumo, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu Garaad Jaamac oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Kulanka ay Dubai ku yeesheen Isaga iyo Wefti Somaliland ka socda iyo waxay iskula meel-dhigeen, waxa uu yidhi; “Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo Faysal Cali Waraabe waannu isku aragnay Dubai, meel Mool ah Masjid ku yaalla ayaannu ku kulannay, waa ku ballannay, Rag is-garanaya oo wada qadeeyey, Kaftan Siyaasadeed kaftamay buu ahaa, ee mid aannu ku xaajoonaynay, mid siyaasadeed, mid aannu go’aanno ku kala qaadanaynay iyo mid aannu heshiis ku gaadhnay midnaba ma ahayn, ee kulan qado ah ayuun buu ahaa oo aannu oo Rag Soomaali ah oo kulmay oo isyaqaanna oo wada qadeeyey oo Kaftamay ayuun baannu ahayn. Haddii arrini ku jirto oo wuxuun aannu isla soo dhadhawaynay waxay ahayd in la taageero wadahadalka u socda Khaatumo iyo Somaliland.”
Garaad Jaamac oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Wadahadallada waan taageersanahay sidaan hore u sheegay, waan soo dhaweeyey. Haddaannu Khaatumo nahay hawshu way noo qaybsan tahay, Xukuumad baa jirta, Xukuumaddaas baa hawsha wadda oo aannu uga dambaynaa, Xukuumaddaas ayaa wixii ay la soo gaadho Maamulka Somaliland noo soo gudbin doonta, markaas ayey noo eegtay inaannu ka hadalno oo wax ka reebno ama wax ku darno. Hase-yeeshee, haddeer hawsha tifaftirkeeda, wadisteeda, ka hadalkeeda iyo xaajadeeda waxaa iska leh Maamulka Khaatumo.”
“Markaa, hawshaa waxaannu u igmannay oo u daba-fadhinaa Maamulka Khaatumo oo Maamulkayagu waaka Khaatumo ee ka Somaliland maaha. Siyaasaddana Annagu kama Wakiil ihin ee waxaa nooga Wakiil ah Maamulka Khaatumo, iyagaannu kala xisaabtamaynaa, oo meeshay reerka furaan aannu ka hubinaynaa oo kula xisaabtamaynaa, Annagu Dhaqan baannu nahay oo Maamulka ayaannu ku ilaalinaynaa hadday amni, hagis, horumar iyo heshiis-ba.” Sidaa ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.
Garaadka oo la weydiiyey haddii Khaatumo iyo Somaliland ay is-fahmaan oo go’aanku noqday in Khaatumo ka mid noqoto Somaliland oo midnimo wada gaadhaan, waxa u qorshaysan maaddaama oo uu Somaliland ka soo horjeeday muddooyinkan dambe, waxa uu ku jawaabay; “Aynu aragno ka hordhici maayo. Wadahadal baa socda, wadahadalku meesha uu marayo iyo sida uu u soo baxo ayuun baa go’aankaygu noqonayaa. Laakiin, go’aankaygu markasta waxa uu yahay Dadkani taladooda iyo deegaankooda mar walba inay xor u yihiin, haddii nabadgelyo lagu gaadhayo waa Allaah mahaddii. Haddii nabadgelyo lagu waayo sidii kale ee lagu dooni karaba diyaar baannu u nahay.” Waxaanu cambaareeyey shaqaaqo ka dhacday deegaanka Kalabadh oo dhimasho iyo dhaawac sababay, waxaanu ku baaqay in nabadgelyada lagu dedaalo.