“Xukuumadda iyo Boolisku Waa Inay Caddayso Waxan Dadku Sheegayo Ee Carruur Baa La Xaday, Waxbaa L Sixray Intay Hebel Waa Kacaan-diid Ku Mashquulsantay.. Wasiirka Daakhiliga oo aynu ognahay in Wasiiru-dawlaha Amnigu Shaqadiisii Hayo inuu yidhaahdo…” Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare)
Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Beeraha iyo Cadaaladda ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare, immikana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukuumadda iyo Ciidammada Ammaanka ugu baaqay inay Bulshada u caddeeyaan dhibaatada aan waxay tahay, cidda wadda iyo ujeeddada laga leeyahay aan la wada fahansanayn ee Shacabka magaalooyinka Somaliland bilihii ugu dambeeyey sida wayn uga cabanayaan ee la xidhiidha Dad sheegaya in la Sixray iyo Carruuro TV-yada Dad Waalid ahi ka sheegayaan in la xaday oo ciddii xadday soo tuurtay ama laga soo reebay, iyaga oo qaarkood la sheegayo in Irbado dhiigag lagaga qaaday.
Aadan Dhoollayare, waxa uu Golaha Guurtida Somaliland uga digay inay ku kacaan wax dhaafsan muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo hortaalla, isla markaana Shirguddoonka Golahaasi Guddi u saaray Sabtidii inay ka soo talo-bixiyaan go’aanka muddo-kordhinta, Isniinta Maantana laga sugayo in 21-ka Xubnood ee Guddigu Golaha horkeenaan, inaanay noqon wax ka badan muddada lixda bilood ah ee ay Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinku heshiiska ku yihiin in dib loo dhigo doorashada Madaxtooyada. Waxaanu Aadan sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Axaddii shalay ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu arrimahaas iyo kuwo kale-ba kaga hadlay.
“Waxaan ka digayaa Golaha Guurtida oo dhaafa waxyaabaha Qaranku ku heshiiyey oo aanay iyagu ka dhigin dalkani in gacantooda ku burburo. Waxaynu ognahay markay doorashada gaadho iska daa Dadka Miyiga’e Dadka Hargeysa jooga ayaan wada codaynin, ee dadka in uun baa codaysa doorashada ee marna dadku ma wada codeeyo. Sidaa daraaddeed, waxaan rejaynayaa inay Guurtidu arrinta (muddo-kordhinta) ku soo dabbaasho sidii Qarankani uu ku sii socon lahaa oo aanay ku dhicin in Qarankan isagii oo sii foorara oo siday maanta ku socoto ay sii xumaanayso oo ay khatar tahay, waxaan rejaynayaa inay Guurtidu arrintaa ka fiirsato oo aanay muddo-kordhinta dhaafinnin wakhtiga ay Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinku ku heshiiyeen.” Sidaa ayuu yidhi Aadan Dhoollayare.
Sidoo kale, Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare oo ka hadlayey dhaqanka ay Xukuumadda Siilaanyo caadada ka dhigatay ee qof kasta oo hadla ama rayigiisa cabbira ama naqdiya oo ka soo horjeesta siday wax u waddo ugu yeedhayso inuu yahay Soomaali-weyn iyo Qof Qarankan ka soo horjeeda, waxaanu yidhi; “Waxaan ka digayaa arrinta afku Xukuumadda ka bartay ee Qofka ee ah; Qofku hadduu fikirkiisa cabbiro sidii berigii Siyaad Barre ee Qofku hadduu waddaniyad ka hadlo oo fikirkiisa cabbiro la odhan jiray waa Kacaan-diid oo Kacaanka ayuu ka soo horjeedaa ee la xidhi jiray, maanta tii baa taagan. Cidda ka soo horjeedda Xukuumadda ee tidhaahda fikirkayga ayaan cabbirayaa, ma Kacaan-diiidkii Siyaad Barraa? Miyeynaan Xorriyatul-qawl lahayn? Miyaan Qof waliba si u fikirahayn? Axsaabta caalamka Qof waliba aragti iyo fikir buu leeyahay, iyaga oo Dadku isku Xisbi ah ayey kala aragti yihiin, markaa in la qoonsado taa maaha, waxa Dastuurka innoogu qoran ee Sharciga Xukuumaddu waa inaanay ku gefin, oo aanay Keli-talisnimo isla soo taagin.”
Dhoollayare, waxa uu naqdiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaanu yidhi; “Nasiib-darro, waxaan arkaayey Wasiirka arrimaha gudaha (Yaasiin Faratoon) oo Isagoo Wasiirkii Daakhiliga ah leh; ‘Muuse Biixi hallooga hadho Madaxwenennimada’ waa Ceeb waxyaabaha qaarkood, Isaga oo Wasiirka Daakhiliga ah oo Shaqadiisii aynu ognahay inuu hayo Wasiiru-dawlaha Amnigu.”
Aadan Axmed Cilmi Dhoollare mar uu ka hadlayay arrimaha u baahan inay Xukuumaddu Bulshada xaqiiqadiisa wax uga sheegto oo u muuqdo waxyaabo Ummadda lagu mashquulinayo oo aan salkoodu fogeyn u muuqan doona haddii aanay xaqiiqadiisa soo bandhigin, waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aan ka hadlayaa, waxyaabaha la yidhaahdo Sixir iyo Carruur yaryar oo intay Waalidkood TV-yada soo dhigaan ay odhanayaan; ‘Ilmahaygan waa la qaatay oo wuxuu ka soo baxday Guri laba Boqol oo Carruur ah lagu hayo’ Labada Boqol ee Carruurta ah miyaan Dad dhalin oo aan la ogeyn illeen kanba (Kuwa TV-yada la soo dhigayo) waa la daydayayaaye?”
“Dawladdu waa inay arrintaa ka daba tagto. Weliba Wasaaradda arrimaha guduhu haka hadasho intay ku mashquulsan tahay; ‘Hebel baa Kacaan-diid ah’, Hebel baa sidan yidhi iyo Waddani baa sidaa yidhi, arrinta dalka taalla haka hadasho oo Dadka ha u caddeeyaan Sixirkan Shacabku sheegayaan ee la leeyahay oo haka hadasho Carruurtan yaryar oo la leeyahay Dhiig baa laga qaaday oo waa la soo eryey, Annagu ma fahmayno waxaas. Markaa, waxaan leeyahay, Wasaaradda Daakhiliga, Ciidammada Booliska iyo Xukuumaddu arrintaas haka hadlaan oo Bulshada haka qanciyaan.” Sidaa ayuu yidhi Aadan Dhoollayare. Waxaanu ka digay in Dhalinyarada horumarka iyo mustaqbalka u baahan ee Somaliland Qabyaalad lagu abuuro, isla markaana looga faa’iidaysto u jawaabista hadba cidda qaar ka mid ah Hay’adaha dawliga ahi culayska saarayaan.