Somaliland: Xisbiyada Oo Laga Sugayo Inay Go’aan Ka Gaadhaan Jadwalka Komiishanka Ee Doorashada Oo Ah 10 Bilood

Date:

Sabtidii Shalay waxa mar kale kulan yeeshay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Xisbiyada u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka.

Kulankan oo daba socday kulamo lagu lafo-gurayey sida ugu habboon ee Doorashada loogu qaban karo Wakhtigeeda iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha illaa hadda qabyada ah ayaa Komiishanku wuxuu Xubnaha Xisbiyada ugu soo bandhigay Jadwalka uu doonayo inuu doorashada ku qabto.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Komiishanku uu Xubnaha Xisbiyada ee la shaqeeya u soo bandhigay Jadwalkiisa Doorashada ee rasmiga ah, taasi oo ah inuu muddo 10 bilood gudahood ah ku qaban karo doorashada isla-markaana uu muddadaa ku diyaarsan karo waxyaabaha imika qabyada ka ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xubnaha Xisbiyada ee Komiishanka la shaqeeyaa ay soo jeedintaasi dib ugula noqonayaan Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadooda, si ay go’aan uga gaadhaan, haddii ay ku qancaan iyo haddii kaleba.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Komiishanku uu Jadwalka doorashada ee 10-ka bilood ku salaysan uu u soo bandhigay Xubnaha Xisbiyada u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka, laakiin xilligaasi waxa Xisbiyada qaarkood, sida Kulmiye soo jeediyeen in wakhtigaa laga yareeyo isla-markaana lagu soo koobo lix bilood.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...