Real Madrid ayaa si niyad wanaag ah ku joogta Napoli iyadoo dooneysa iney si xarago leh ugu gudubto wareega xiga ee tartanka si ay usii cadeyso iney diyaar u tahay wali difaacashada tartanka madama ay Milano ugu dabaal dagtay keedii 11-aad ee taariikhda.
Napoli ma shar yara waxaey kulankii todobaadkaan dhibco nadiif ah ka qaateen Roma, balse waxey ka warqabaan in lagu soo ciqaabay magaalada Madrid, si kastaba waxey diyaar u yahiin ugu yaraan iney dagaalamaan si ay u nooleyan rajadooda tartanka.
Si kastaba Naples caawa waa xamaasadeysan tahay, waxaana Jamaahiirta kooxda Napoli ay isku diyaarinayaan iney garab walba siiyaan wiilashooda si ay ugu yaraan si mucjiso ah natiijada dhanka kale ugu rogaan.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Napoli vs Real Madrid
Tartanka: Champions League
Garoonka: Stadio San Paolo
Garsoore: Cuneyt Cakir (Turkey)
Isku Cel-celis: Real Madrid 3 – 1 Napoli
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in Dries Mertens uu kusoo bilaaban kulanka caawa inkastoo laga saaray kulankii Rma ee todobaadkaan markaas oo ay guusha ku qaateen 2-1.
Allan ayaa shaki la galinayaa, balse kooxda inteeda kale waa taam, waana ciyaari doonaan xidigaha ugu muhiimsan.
Xiddiga afarta jeer heysta Ballon d’Or ayaa taam buuxa u ah kulanka caawa inkasatoo la nasiyay kulankii Eibar, Bale ayaa kusoo laaban doona safka Madrid madama uu ganaax ku seegay kulankii Eibar ee horyaalka.
Kroos, Dani Carvajal iyo Marcelo ayaa dhamaantodo kursiga keydka kasoo muuqda kulankii Eibar, balse kulankaan waa u diyaar sida lagu soo waramayo.
XAQIIQADA KULANKA:
Labadaan kooxood kaliya laba jeer ayey tartankaan isku arkeen ka hor inta aysa Madrid iskula bartamin, Madrid ayaana 3-1 kusoo baxday isku cel-celiska xagaagii 1987-88.
Kulankii lugta koowaad ee waqtigaas Madrid waxey ku badisay 2-0, iyadoo goolasha ka kala heshay Michel Iyo Tendillo, balse kulankii ka dhacay Stadio San Paolo wuxuu ku dhamaaday 1-1.
Lorenzo Insigne, Karim Benzema, Toni Kroos Iyo Casemiro ayaa shabaqa wada gaaray lugtii hore ee bishii February la isku arkay Santiago Bernabeu.
Napoli kaliya hal kulan ayey lumisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay gurigeeda kulamada UCL, guuldaradaasna waxey kala kulantay Besiktas 3-2.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
SSC Napoli:
Reina; Hysaj, Koulibaly, Albiol, Ghoulam; Zielinski, Diawara, Hamsik; Callejon, Mertens, Insigne
Real Madrid CF:
Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Bale, Benzema, Ronaldo