Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland isla markaana wakhti xaadirkan ka mid ah masuulyiinta xisbiga Waddani waxaa uu ka hadley warar been abuur ahaa oo saxaafada qaar ka baahisay kuwaas oo sheegayey in uu Moqdisho ka degay
Siyaasigan oo Warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa waxaa uu shacabka Somaliland u soo bandhigay saxaafadii warkaas been abuurka ah ka baahisay iyo cidii ka danbeysay waxaana uu sheegay in wararka noocaas oo kale ahi ay qaranka dhib ku tahay oo uu dhibanaha koowaad uu qaranku ka yahay
Sidoo kale Siyaasi Duur waxaa uu sheegay in warka Been Abuurka intaas leeg ah uu ka danbeeyo xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu oo uu tilmaamay in ay rabaan sidii ay shacabkaga Somaliland niyada uga dili lahayeen , waxaana uu wacad ku maray in warbaahintii warkaas baahisay uu sharciga la tiigsan doono oo uu haayadaha garsoorka u gudbin doono